Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Danjiraha Soomaaliya Ee Masar Oo Ka Qaybgalay Munaasabad Lagu Sagootinayay Hoggaanka Jaamacadda Carabta
QAHIRA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa ka qaybgalay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusayay laguna sagootinayay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abulqayd, iyo kaaliyihiisa Xusaam Seki, kuwaas oo muddo-xileedkoodu ku eg yahay 30-ka Juun 2026. […]
Danjiraha Soomaaliya ee Masar, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa ka qaybgalay munaasabad sagootin ah oo lagu maamuusayay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abulqayd, iyo kaaliyihiisa Xusaam Seki, oo muddo-xileedkoodu ku eg yahay 30-ka Juun 2026.
Maxaa la shaaciyey
- Munaasabadda ayaa lagu maamuusay labada mas'uul oo toban sano hoggaaminayay Jaamacadda Carabta.
- Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa xusay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Masar.
- Danjire Kamaaluddiin Saalax, oo ahaa Safiirkii Masar ee Soomaaliya, ayaa la xasuustaa taageeradiisa halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed.
Macnaha guud
Munaasabaddan ayaa ka dhacday si loo sagootiyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta iyo kaaliyihiisa, iyadoo la xusayo doorkooda mudada dheer ee ururka.
“Mudane Awaare ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay qadarin gaar ah u hayaan taageeradii taariikhiga ahayd ee dowladda Masar.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, iyo doorka Masar ee taageerada Soomaaliya.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
QAHIRA – Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Jaamacadda Carabta, Mudane Cali Cabdi Awaare, ayaa ka qaybgalay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusayay laguna sagootinayay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Abulqayd, iyo kaaliyihiisa Xusaam Seki, kuwaas oo muddo-xileedkoodu ku eg yahay 30-ka Juun 2026.
Munaasabadda oo ay soo qabanqaabiyeen danjirayaasha dalalka Carabta ee u fadhiya Masar iyo Jaamacadda Carabta ayaa lagu maamuusay labada mas’uul oo muddo toban sano ah hoggaaminayay Jaamacadda Carabta, iyadoo lagu guddoonsiiyay billado sharaf iyo abaalmarinno heer sare ah oo lagu aqoonsanayo doorkii ay ka qaateen horumarinta iyo xoojinta shaqada ururka.
Danjire Cali Cabdi Awaare ayaa munaasabadda ka xusay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, isaga oo tilmaamay in xaaska Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Marwo Layla Kamaaluddiin Saalax, ay tahay gabadha Danjire Kamaaluddiin Saalax oo ahaa Safiirkii Masar ee Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 1954 ilaa 1957.
Danjiraha ayaa sheegay in Danjire Kamaaluddiin Saalax uu ku shahiiday Soomaaliya 16-kii Abriil 1957, xilli uu kaalin muuqata ka qaadanayay taageerada halgankii gobannimo-doonka Soomaaliyeed, taas oo Soomaaliya ay weli si gaar ah u xasuusato.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.