DEG DEG: Dagaal u dhexeeya ciidamada DF iyo kuwa Lafta-gareen oo ka qarxay Buurhakaba
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Lafta-gareen ayaa ka socda Buurhakaba, iyadoo la soo sheegay in la adeegsanayo hub noocyadiisa kala duwan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay weerareen fariisimo ciidan oo ku yaalla gudaha degmadaas, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.
- Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isa markaana ay ku waabariisteen dhawaqa rasaas ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
- Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah mas’uulka warfaafinta ugu magacaaban kooxda Laftagareen oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inay gudaha u galeen magaalada, isla markaana ay haatan ka wadaan howlgal amni xaqiijin ah, sida uu hadalka u dhigay.
- “Waxaa saaka magaalada Buurhakabo ka bilowdey howlgal amini xaqiijin ah oo ay halkaa ka wadaaan geesiyaasha ciidamada daraawiishta dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan shacbigeena sharafta leh ee degmada buur ka codsaneynaa in ay guryahooda kusugnaadaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Lafta-gareen ayaa ka socda Buurhakaba.
- Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay gudaha u galeen magaalada, isla markaana ay haatan ka wadaan howlgal amni xaqiijin ah.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in xaaladda ay faraha ka baxday, isa markaana ay ku waabariisteen dhawaqa rasaas ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Buurhakaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur galbeed oo isku dhinac iyo ciidamo taabacsan Laftagareen uu ka socda Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed ay weerareen fariisimo ciidan oo ku yaalla gudaha degmadaas, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeya labada dhinac.
Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in xaaladda ay faraha ka baxday, isa markaana ay ku waabariisteen dhawaqa rasaas ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ah mas’uulka warfaafinta ugu magacaaban kooxda Laftagareen oo qoraal soo saaray ayaa sheegay inay gudaha u galeen magaalada, isla markaana ay haatan ka wadaan howlgal amni xaqiijin ah, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa saaka magaalada Buurhakabo ka bilowdey howlgal amini xaqiijin ah oo ay halkaa ka wadaaan geesiyaasha ciidamada daraawiishta dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaan shacbigeena sharafta leh ee degmada buur ka codsaneynaa in ay guryahooda kusugnaadaan,” ayuu yiri Ugaas Xasan.
Dhanka kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka scoda degmada Buurhakaba, iyadoo weli xaaladdu ay tahay mid adag.
Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Baay ayaa qiyaastii 60 KM u jirta magaalada Baydhaba, oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed, waxaana dagaalka halkaasi ka socda uu kusoo aadayaa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Aadan Madoobe iyo Laftagareen.
Dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Laftagareen ayaa u muuqda kuwa kusii fidaya deegaannada Koonfur Galbeed, waxaana ay ahayd maalmo kahor markii ay ciidamada Cabdicasiis Laftagareen ay la wareegeen degmada Qansaxdheere, kadib weerar ay ku qaadeen.
Si kastaba, dagaalladan ayaa daba socda iska hor imaadyo horay uga dhacay magaalada Baydhaba oo marar kala duwan ay isku fara saareen labada dhinac, inkastoo dib loo celiyay ciidamada taabacsan madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Lafta-gareen ayaa ka socda Buurhakaba, iyadoo la soo sheegay in la adeegsanayo hub noocyadiisa kala duwan.
Qodobada muhiimka ah
- Dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan Lafta-gareen ayaa ka socda Buurhakaba.
- Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay gudaha u galeen magaalada, isla markaana ay haatan ka wadaan howlgal amni xaqiijin ah.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in xaaladda ay faraha ka baxday, isa markaana ay ku waabariisteen dhawaqa rasaas ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.
- Dagaalka halkaasi ka socda uu kusoo aadayaa xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Aadan Madoobe iyo Laftagareen.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo khasaaraha rasmiga ah.
- Eedeymaha ku saabsan xaaladda waxay ku saleysan yihiin ilo deegaanka ah iyo qoraallo.
- Lama helin jawaab ka timid dowladda ama Lafta-gareen oo ku saabsan dagaalka.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Buurhakaba waa mid adag, iyadoo dagaal socdo iyo khasaaro aan la caddeyn.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka?
- Sidee ayey xiisadaha socda u saameyn doonaan dadka deegaanka?
- Maxaa la sameynayaa si loo yareeyo xaaladda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · ciidamada · dhexeeya · buurhakaba
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada