DEG DEG: Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax ka beddal lagu sameeyay sharciga doorashooyinka
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka beddelka Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada kadib kulan aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Golaha ayaa wax-ka beddelkan ku saleeyay dhaqangalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaamaa xeerarkan ay meel-mareen ka hor ansixintii dastuurka, tahayna in xeerarka la waafajiyo dastuurka.
- Sida ku cad war-saxaafadeedka waxaa wax-ka-beddelka lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashada iyo 8 Qodob oo ka mid ah Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
- Sidoo kale qodobada wax laga badeley si dastuurka loo waafajiyo waxaa ka mid ah in shacabka soo doortaan goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, halka laga bilaabo Guddoomiye Degmo illaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay dooran doonaan goleyaashaasi.
- Dhanka kale, qodobadda wax laga badeley ee Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada waxaa ka mid ah in urur-siyaasadeedkii doorashada heer federaal ka hela codad dhan 10% uu si rasmi ah u noqonayo xisbi qaran.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee lagu sameeyay qodobada sharciga?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka beddelka Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
- Wax-ka-beddelka lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashada iyo 8 Qodob oo ka mid ah Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
- Shacabka soo doortaan goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda dowlad-goboleedyada.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa anisixyay Hindise-Sharciyeedka wax ka beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda iyo wax ka beddelka Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Lr.28 Nofeembar 2024, kadib kulan aan caadi ahayn oo uu guluhu yeeshay, waxaana guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Golaha ayaa wax-ka beddelkan ku saleeyay dhaqangalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, maadaamaa xeerarkan ay meel-mareen ka hor ansixintii dastuurka, tahayna in xeerarka la waafajiyo dastuurka.
Sida ku cad war-saxaafadeedka waxaa wax-ka-beddelka lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashada iyo 8 Qodob oo ka mid ah Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
Sidoo kale qodobada wax laga badeley si dastuurka loo waafajiyo waxaa ka mid ah in shacabka soo doortaan goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, halka laga bilaabo Guddoomiye Degmo illaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay dooran doonaan goleyaashaasi.
Dhanka kale, qodobadda wax laga badeley ee Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada waxaa ka mid ah in urur-siyaasadeedkii doorashada heer federaal ka hela codad dhan 10% uu si rasmi ah u noqonayo xisbi qaran. Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ururrada ay musharixiinta xildhibaannada ku gudbiyaan habka loo yaqaan Diiwaanka Xiran (Liiska Xiran).
Waxaa kale oo ay Golaha Wasiirrada isku raaceen in Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha uu awood u leeyahay in uu la yimaado farsamo la xiriirta fududeynta diiwaangelinta iyo codeynta muwaadiniinta, iyada oo la cuskanayo qodobka dastuurka ku jira ee faraya in muwaadiniinta loo fududeeyo hannaanka cod-bixinta.
Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo uu matalaayo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Aadanaha (OHCHR) kuna saabsan Asaasidda Xarun uu Xafiiskan XHSXA(OHCHR) ku yeesho Soomaaliya, si ay u dhawrsanaato xasaanadda diblumaasiyadeed ee howl-wadeennada OHCHR, kuwaas oo taageero iyo wada shaqayn la yeelan doonna laamaha kala duwan ee dowladda. Waxaa heshiiskan golaha hor keentay Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka beddelka Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada kadib kulan aan caadi ahayn oo uu guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.
Qodobada muhiimka ah
- Golaha Wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka beddelka Xeerka Doorashooyinka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
- Wax-ka-beddelka lagu sameeyay 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashada iyo 8 Qodob oo ka mid ah Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada.
- Shacabka soo doortaan goleyaasha deegaanka iyo wakiiladda dowlad-goboleedyada.
- Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo uu matalaayo Xafiiska Wakiilka Sare ee Xuquuqul Aadanaha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Lama helin jawaabo ka yimid xisbiyada mucaaradka ama daneeyayaasha kale.
- Faahfaahinta ku saabsan waqtiga lagu dhaqangelinayo wax ka beddelka ma cadda.
Gunaanadka akhristaha
Ansixinta Golaha Wasiirrada ee wax ka beddelkaasi waxay saameyn ku yeelan kartaa habka doorashada Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin isbeddelada gaarka ah ee lagu sameeyay qodobada sharciga?
- Sidee ayey waxyaabahan u saameyn doonaan doorashooyinka soo socda?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ee lagu dhaqangelinayo wax ka beddelka?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · wasiirrada · wax · golaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada