Deni oo ku eedeeyay Xasan Sheekh in uu abuuray burcad-badeeda ka dilaacday Puntland
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u soo… Sii akhri

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu abuuray burcad-badeeda ka dilaacday xeebaha Puntland.
Maxaa la shaaciyey
- Madaxweyne Deni ayaa sheegay in burcad-badeeda ka dilaacday Puntland ay ka dambeyso dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Deni wuxuu tilmaamay in Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaale ku bixinayo dhalinyaro maleeshiyaad ah oo laga abuurayo deegaano ka tirsan Puntland.
- Xeebaha Puntland ayaa la sheegay in kooxo burcad-badeed ah ku haystaan ilaa saddex markab oo ganacsi.
Macnaha guud
Deni ayaa hadalkan jeediyay furitaanka kalfadhiga 58-aad ee Baarlamaanka Puntland, taasoo muujinaysa walaaca amni ee ka jira xeebaha Puntland.
“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyo burcad-badeeda ka dilaacday xeebaha Puntland.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay ogaadaan eedeymaha la xiriira amniga xeebaha Puntland iyo saameynta ay ku yeelan karto ganacsiga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u soo noqoshada burcad-badeeda ka dilaacday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Puntland.
Madaxweyne Deni oo maanta hadalka jeediyay furitaanka kalfadhiga 58-aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka dambeeyo burcad-badeeda ka dilaacday xeebaha Puntland, arrintaas oo uu tilmaamay in looga golleeyahay in uu gacanta ka baxo amniga dalka.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Puntland si dhow ula socota in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaale ku bixinayo dhalinyaro maleeshiyaad hubaysan ah oo laga abuurayo deegaano ka tirsan degmooyinka Xaafuun, Bandarbayla, Eyl iyo Jariiban, kuwaas oo uu tilmaamay in qaarkood loo diyaarinayo in ay gacan siiyaan kana qaybqaataan howlgallada burcad-badeeda.
Xeebaha Puntland, gaar ahaan kuwa Bari, Karkaar, Mudug ayaa kooxo burcad-badeed ah ku haystaan ilaa saddex markab oo ganacsi, kuwaas oo dalbaday lacago madax furasho ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.