Topic
Warkasta is tracking xasan across 47 reports from 6 sources. Recent coverage touches sheekh, madaxweyne, and wada, each linked to its original source with side-by-side comparison where outlets differ.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa mar kale gogol wada-hadal u fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay dhageysato aragtiyada kala duwan ee laga qabo xaaladda dalka, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka. Tallaabadan ayaa imanaysa kaddib muddo ay labada dhinac isku…

Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa jawaab deg-deg ah ka bixiyay baaqa kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo shir ku casuumay Xisbiga Nabad iyo Nolol, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, Madasha Midnimo Qaran iyo Dalladda Bulshada Rayidka, si ay uga qaybgalaan gogol wadatashi Qaran oo ka furmi doonta magaalada Muqdisho 14-18…

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Golaha Mustaqbalka, xisbiga Nabad & Nolol iyo… Sii akhri

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la sii wado wada-hadallada siyaasadeed iyo xoojinta midnimada qaranka, isaga oo sheegay in horumar laga sameeyey dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dadaallada lagu hirgelinayo doorashooyinka qof iyo cod. Khudbad uu u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, ayuu madaxweynuhu kaga hadlay xaaladda amni iyo midda siyaasadeed…

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, guulaha laga gaaray amniga, horumarinta hannaanka dimuqraadiyeynta, hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod, iyo dadaallada lagu xoojinayo wada-hadallada siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir oo loo yaqaan “Shariif” u magacaabay Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliyeed, iyadoo xilkaas laga qaaday Sarreeye Guuo Cabdiwahaab Cabdullahi Cumar oo muddo dheer soo hayay. Taliyaha cusub ee lasoo magacaabay ayaa ka mid ah saraakiisha leh waxbarasho iyo tababar ciidan

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka mid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa xalay madaxtooyada Soomaaliya kulan kula qaatay madaxweyne Xasan… Sii akhri

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Jowhar ee mar kale dib loogu doortay Madaxweyne Cali Guudlaawe, iyadoo ku xigeenkiisa cusub loo doortay Cabdifitaax Xasan Afrax oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan. Xasan Sheekh ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha dib loo…

Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka HirShabeelle ayaa doortay guddoon cusub, iyadoo Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed uu mar kale ku guuleystay xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Cabdixakiin Luqmaan ayaa helay 77 cod, isaga oo sidaas ku xaqiijiyay inuu sii hoggaamin doono Golaha Wakiillada HirShabeelle. Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdi Iidoow ayaa loo doortay Guddoom

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdiweli Ibraahim Garyare, oo maanta ay magaalada Dhuusamareeb ku doorteen xubnaha Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoggaanka cusub ugu hambalye

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan iyo ku-xigeenkiisa, Cabdiweli Ibraahim Garyare oo maanta ay xubnaha Golaha Wakiillada ku doorteen magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha ayaa labada mas’uul ugu hambalyeeyey kalsoonida ay ka heleen xubnaha Go

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo weli dhaq-dhaqaaqyo ka wada magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ka wada-hadleen xaaladihii uug dambeeyay. Kulanka waxaa ka qeybgalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Lafta-Gareen ayaa warqad furan oo uu soo saaray ku eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, inuu faragelin ku hayo arrimaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, isla markaana uu isku dayayo inuu xoog ku beddelo hoggaanka maamulka. Warqadda ayaa lagu sheegay in khilaafka labada dhinac…

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid qorshaha doorashooyinka Soomaaliya, isaga oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu wado go’aanno hal dhinac ah oo halis gelin kara midnimada dalka, nidaamka federaalka iyo dowladnimada. War-saxaafadeed uu soo saaray Golaha ayaa lagu diiday jadwalka doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaal

Puntland, Jubaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu joojiyo doorashooyinka halka dhinac… Sii akhri

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u doortay Guddoonka cusub ee Golaha, kadib doorasho ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Xilka guddoomiyaha ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur oo ka tirsan hoggaanka sare ee Xisbiga Cadaaladda iyo…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb. Madaxweynaha…

Puntland ayaa ku baaqday in la iska kaashado ka hortagga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ku eedeysay inay waddo hannaan doorasho oo khatar gelin kara midnimada dalka. Baaqan ayaa imanaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland oo si…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay in xarunta TURKSOM ee Muqdisho ay tahay saldhig ciidan oo ay Turkigu leeyihiin, isaga oo ku tilmaamay sheegashadaas “dacaayad aan sal lahayn”. Madaxweynaha oo wareysi siiyay Al Jazeera ayaa sheegay in TURKSOM ay tahay xarun loogu talagalay tababarka ciidamada Soomaaliya, isla markaana aanu jirin…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in aanay jirin talo dhexda la dhigayo, isla markaana go’aanka ay leedahay dowladda oo kaliya. Shariif oo galabta shir jaraa’id ku qabtay gurigiisa ayaa sheegay in dowladda aysan cidna kala…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka shidaalka qodaya ee Çağrı Bey, kaas oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka. Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la yeeshay khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka, kuwaas oo warbixin ka siiyey…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war-sxaafadeed soo saaray ayaa u jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka dalka. Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in hadalladdii u dambeeyay ee uu jeediyay Madaxwy

Puntland ayaa ku baaqday in si wadajir ah loola diriro dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo ay… Sii akhri

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka shidaalka qodaya ee Çağrı Bey, kaas oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka. Madaxweynaha ayaa intii uu kormeerka ku jiray kulan la yeeshay khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka, isaga oo ka dhageystay warbixin ku…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan biyaha Soomaaliya, halkaasi oo uu ka wado hawlaha qodista shidaalka dalka. Madaxweynaha ayaa khubarada iyo mas’uuliyiinta markabka ka dhageystay warbixin ku saabsan shaqada la qabtay, natiijooyinka laga gaaray howlaha qodista shidaalka…

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beeniyay hadal-haynta la xiriirta in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso weerar ka dhan ah siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo sheegay inaysan jirin cid ay doonayaan inay dagaal ku qaadaan. Madaxweynaha ayaa sheegay in khilaafaadka siyaasadeed lagu xallin karo wada-hadal, isaga oo carrabka ku adkeeyay in albaabka wada
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dhaliil culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isaga oo ku eedeeyay inay shacabka ku abuuraan cabsi iyo walaac la xiriira xaaladda dalka, amniga iyo loollanka siyaasadeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho ku tagay carwada ganacsiga ee Som Souk Expo, halkaas oo ganacsatada Soomaaliyeed ay ku soo bandhigayaan badeecooyin iyo adeegyo kala duwan. Madaxweynaha ayaa kormeeray goobaha ganacsiga ee carwada, isaga oo sidoo kale ka dukaameystay, lana kulmay ganacsatada ka qeybgalaysa. Wuxuu ku dhiirrigeliyay ina

Siyaasiyiinta mucaaradka ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo caawa shir jaraa’id ku qabtay hoyga uu magaalada Muqdisho ka deggan yahay madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay isku-day weerar oo ka dhan ah Shariif. Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taas oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka, waxaa ka qaybqaatay cutubyo ka kala socday Ciidamada Dhulka,…

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay munaasabad heer qaran ah oo si maqaam sare leh loogu xusay Maalinta Calanka Soomaaliyeed, taasi oo astaan u ah gobannimada, midnimada iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Munaasabadda maalinta Calanka waxaa ka qayb galay Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya, Guddoomiye Ku xigeenka Koowa

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad heer qaran ah oo lagu xusay maalinta calanka Soomaaliyeed,… Sii akhri

Iyadoo saacadihii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loo baahiyay warar sheegayay in odayaal dhaqameed ay u tageen Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si ay ugala hadlaan xiisadda kala dhexeysa madaxweynihii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah. Qaar ka mid…

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, iyagoo ka wada-hadlay xaaladda amni iyo tan siyaasadeed ee dalka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu safiirka la wadaagay warbixin ku saabsan xaala

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay safarradii uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay Itoobiya iyo Masar, isagoo dhaliilay kulamadii uu halkaasi kula yeeshay hoggaamiyeyaasha dalalkaas. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inaysan habboonayn in Madaxweynaha Soomaaliya uu waqti isku dho

Golaha Mustaqbalka ayaa si adag u dhaliilay safaradii uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tagay dalalka xiisaddu u dhaxayso ee… Sii akhri

Dowladda Itoobiya ayaa si adag uga fal-celisay mowqifka Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan bayaankii kasoo baxay shirkii ay Soomaaliya, Masar, Ereteriya iyo Suudaan, 4-tii Oktoobar ku yeesheen magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar, kaas oo lagu soo qaaday xiisadda ka taagan Wabiga Nile. Madaxda afarta dal ayaa…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Al-Calamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadayaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee

Madaxweynaha Soomaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha Ganacsiga Afrika ee ka socda magaalada cusub ee Al-Calamayn. Xasan iyo Al-Sisi ayaa kulankooda kaga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga taariikhiga ah ee ka…

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, iyadoo kulankan uu dhinac socday madasha ganacsiga Afrika ee ka socota magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar. Al-Sisi ayaa inta kulankan socday, wuxuu xaqiijiyay in Masar ay si adag u taageerto madaxbannaanida Soomaaliya, midnimadeeda iyo…
3 Oktoobar 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Cabdulfataax Al-Sisi, intii uu socday shir madaxeedka Madasha…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona madaxda dalkaasi, iyadoo sidoo kale inta uu joogo Masar ka qeyb-gali doono shirar heer sare ah oo Afrikaan ah.…

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar. Madaxweyne… Sii akhri
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee dalka Masar, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Madasha Al-Calamayn Afrika. Madasha ayaa diiradda lagu…

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay safiirrada cusub cusub ee Jamhuuriyadda Türkiye Midowga Yurub, kuwaas oo dhawaan soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Xasan Sheekh ayaa warqadaha aqoonsiga safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee Türkiye Mudane Ferhat Alkan iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya muda

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee Galmudug iyo HirShabelle, isagoo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda iyo horumarinta nidaamka doorashooyinka dalka. Xasan Sheekh ayaa sheegay in shacabka ku nool gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta safar shaqo ku tagay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula qaatay Madaxweynaha Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti. Intii uu…