DF oo shaacisay magaca horjooge sare oo ay sheegtay inuu qabsaday Buurhakaba
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu kasoo muuqday degmada Buurhakaba oo dhawaan ka baxday gacanta maamulka Koonfur Galbeed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Qoraal uu baahiyay Telefishinka Qaranka ayaa lagu yiri: “Kooxda Khawaarijta oo muddooyinkii ugu dambeeyay deegaannada Koonfur Galbeed ka waday falal ay ku carqaladaynayso nolosha bulshada iyo horumarka deegaanka ayaa dhawaan qabsatay deegaanno ka tirsan maamulka, inkasta oo uu socdo howlgal ballaaran oo ay Ciidanka Qaranka ku doonayaan inay ku soo afjaraan falalka Khawaarijta.”
- Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda ay gaartay deegaanno ay kamid yihiin Diinsoor, Qansaxdheere, Bardaale iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay.
- Dowladdu waxay sheegtay in degmada Buurhakaba oo ah goob istaraatiiji ah oo isku xirta Muqdisho iyo deegaannada kale ee Koonfur Galbeed ay haatan gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, xilli ciidanka taabacsan Lafta-gareen ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta degmadaas.
- Haddaba, waa kuma horjoogaha kasoo muuqday Buurhakaba?
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ka qaadeyso Al-Shabaab gobolka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladdu waxay sheegtay in horjoogaha sare ee kasoo muuqday maleeshiyaadkii qabsaday degmada Buurhakaba uu ahaa Maxamed Cabdi Xuseen Awkaarey oo hore usoo maamulay degmadaas.
- Dadka deegaanka ayay dowladdu sheegtay inay walaac xooggan ka muujiyeen hab-dhaqanka kooxda.
- Dowladda Soomaaliya oo guluf kula jirta Al-Shabaab ayaa sheegtay inay waddo qorshe lagu soo afjarayo duullaanka ay kooxdu ka waddo deegaannada Koonfur Galbeed.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhabo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu kasoo muuqday degmada Buurhakaba oo dhawaan ka baxday gacanta maamulka Koonfur Galbeed.
Qoraal uu baahiyay Telefishinka Qaranka ayaa lagu yiri: “Kooxda Khawaarijta oo muddooyinkii ugu dambeeyay deegaannada Koonfur Galbeed ka waday falal ay ku carqaladaynayso nolosha bulshada iyo horumarka deegaanka ayaa dhawaan qabsatay deegaanno ka tirsan maamulka, inkasta oo uu socdo howlgal ballaaran oo ay Ciidanka Qaranka ku doonayaan inay ku soo afjaraan falalka Khawaarijta.”
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegtay in kooxda ay gaartay deegaanno ay kamid yihiin Diinsoor, Qansaxdheere, Bardaale iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka Bay. Hase yeeshee, arrinta yaabka leh ayaa ah in horjoogaha sare ee kasoo muuqday maleeshiyaadkii qabsaday degmada Buurhakaba uu ahaa shaqsi hore usoo maamulay degmadaas, sida ay sheegtay wasaaraddu.
Dowladdu waxay sheegtay in degmada Buurhakaba oo ah goob istaraatiiji ah oo isku xirta Muqdisho iyo deegaannada kale ee Koonfur Galbeed ay haatan gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab, xilli ciidanka taabacsan Lafta-gareen ay sheegeen inay la wareegeen gacan ku haynta degmadaas.
Haddaba, waa kuma horjoogaha kasoo muuqday Buurhakaba?
Maxamed Cabdi Xuseen Awkaarey oo dowladdu sheegtay inuu hoggaaminayay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee qabsaday Buurhakaba ayaa taariikh ahaan soo noqday guddoomiyihii hore ee degmadaas xilligii dowladdii ku-meel-gaarka ahayd.
Bishii August 2007 ayaa isaga iyo koox la socotay laga sii daayay xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo, xilli ay jireen tuhunno la xiriiray ku biiritaankooda Khawaarijta.
Muddo kaddib, sanadkii 2008, ayuu si rasmi ah isaga casilay xilkii guddoomiyenimo ee degmada Buurhakaba, wixii xilligaas ka dambeeyayna wuxuu ku biiray Khawaarijta.
Sannadkii 2013 ayuu markii ugu dambeysay kasoo muuqday degmada Buurhakaba, isagoo ka tirsanaa maamulkii kooxda ee afduubka ku haystay dadka deegaanka, xilligaas oo Taliska Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka uu jab xooggan gaarsiiyay maleeshiyaadkii kooxda.
Dadka deegaanka ayay dowladdu sheegtay inay walaac xooggan ka muujiyeen hab-dhaqanka kooxda. “Waxay dhibaataynayaan bulshada, odayaasha dhaqanka oo la xirxiray iyo dhallinyarada deegaanka oo la dhibaateynayo. Dhac iyo bililiqo ayaa laga soo warinayaa degmada Buurhakaba,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.
Dowladda Soomaaliya oo guluf kula jirta Al-Shabaab ayaa sheegtay inay waddo qorshe lagu soo afjarayo duullaanka ay kooxdu ka waddo deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka ay u jiheysteen deegaannadii ay dhawaan rabshadaha ka geysteen maleeshiyaadka kooxda.
Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in falalka ay kooxdu billowday ay soo dedejinayaan kacdoon shacab, iyadoo degmooyinka iyo deegaannada Koonfur Galbeed ay ka socdaan abaabullo ay shacabku kaga qayb qaadanayaan sidii looga dulqaadi lahaa khataraha ay ku hayaan kooxaha argagixisada.
Si kastaba, degmada Buurhakaba oo qiyaastii 60 KM u jirta magaalada Baydhabo waxaa mara waddooyin istaraatiiji ah oo isku xira gobollada Bay, Shabeellaha Hoose, Banaadir, Hiiraan iyo Jubbooyinka, waana tan muhiimad gaar ah siinaysa degmadan oo kamid ah deegaano dhowr ah oo laga qabsaday maamulka Koonfur Galbeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu kasoo muuqday degmada Buurhakaba oo dhawaan ka baxday gacanta maamulka Koonfur Galbeed.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab uu kasoo muuqday degmada Buurhakaba oo dhawaan ka baxday gacanta maamulka Koonfur Galbeed.
- Dowladdu waxay sheegtay in horjoogaha sare ee kasoo muuqday maleeshiyaadkii qabsaday degmada Buurhakaba uu ahaa Maxamed Cabdi Xuseen Awkaarey oo hore usoo maamulay degmadaas.
- Dadka deegaanka ayay dowladdu sheegtay inay walaac xooggan ka muujiyeen hab-dhaqanka kooxda.
- Dowladda Soomaaliya oo guluf kula jirta Al-Shabaab ayaa sheegtay inay waddo qorshe lagu soo afjarayo duullaanka ay kooxdu ka waddo deegaannada Koonfur Galbeed.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanno ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashada ku saabsan aqoonsiga horjoogaha ama xaaladda Buurhakaba.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid Al-Shabaab ama dhinacyada kale ee khuseeya.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Buurhakaba waxay muujinaysaa caqabadaha amni ee socda ee gobolka iyadoo Al-Shabaab ay sii wadaan saameyntooda.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee dowladda ka qaadeyso Al-Shabaab gobolka?
- Sidee ayay bulshada deegaanka u abaabuleen si ay uga jawaabaan hawlaha kooxda?
- Maxay yihiin saamaynta ay leedahay gacanta Al-Shabaab ee Buurhakaba ee aagagga ku xeeran?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · security · security · sare · horjooge
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Dowladda Federaalka oo Laftagareen iyo ciidamadiisa ku eedeysay xiriir ay la leeyihiin Al-Shabaab
Shabelle Media
- Booliska Soomaaliya oo beeniyay eedeymo ku saabsan baaritaan ka socda xarunta Hormuud
Hiiraan Online
- Hogaamiyaha Koonfur Galbeed oo ka muujiyay walaac amni xilli ay jiraan khilaafyo lafta-gareen
Shabelle Media