DF Soomaaliya iyo WFP oo gaaray heshiis cusub oo ku saabsan…
Warka oo kooban
40 ilbiriqsiGuddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Madaxa WFP Soomaaliya, Hameed Nuru ayaa saxiixay heshiis cusub oo ku saabsan maareynta musiibooyinka iyo gurmadka bani’aadannimo labadii sano ee soo socota.
Qodobbada muhiimka ah
- Heshiiska ayaa qeexaya qaabka ay SoDMA iyo WFP uga wada shaqeyn doonaan arrimaha la xiriira maareynta musiibooyinka iyo gurmadka bani’aadannimo labada sano ee soo socota.
- Wada-shaqeynta labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda Soomaaliya ee saadaalinta khataraha iyo diyaar-garowga xaaladaha musiibooyinka.
- Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu xoojinayaa nidaamyada digniinta hore iyo tallaabada hore, si loo suurageliyo in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee dalka ka dhaca.
- Labada hay’adood ayaa sidoo kale ka wada shaqeyn doona sidii loo heli lahaa gurmad bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, gaar ahaan xilliyada ay bulshada Soomaaliyeed la kulmaan xaalado degdeg ah iyo musiibooyin.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Heshiiska ayaa diiradda saaraya xoojinta awoodda Soomaaliya ee saadaalinta khataraha.
- Wada-shaqeynta ayaa lagu xoojinayaa nidaamyada digniinta hore si loo suurageliyo jawaab degdeg ah.
- Labada hay’adood ayaa ka shaqeyn doona sidii loo heli lahaa gurmad bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya, Hameed Nuru ayaa kala saxiixday heshiis cusub oo iskaashi.
Heshiiska ayaa qeexaya qaabka ay SoDMA iyo WFP uga wada shaqeyn doonaan arrimaha la xiriira maareynta musiibooyinka iyo gurmadka bani’aadannimo labada sano ee soo socota.
Wada-shaqeynta labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xoojinta awoodda Soomaaliya ee saadaalinta khataraha iyo diyaar-garowga xaaladaha musiibooyinka.
Sidoo kale, heshiiska ayaa lagu xoojinayaa nidaamyada digniinta hore iyo tallaabada hore, si loo suurageliyo in si degdeg ah looga jawaabo xaaladaha degdegga ah ee dalka ka dhaca.
Labada hay’adood ayaa sidoo kale ka wada shaqeyn doona sidii loo heli lahaa gurmad bani’aadannimo oo wax-ku-ool ah, gaar ahaan xilliyada ay bulshada Soomaaliyeed la kulmaan xaalado degdeg ah iyo musiibooyin.
Heshiiska ayaa sidoo kale taageeraya xoojinta nidaamka maareynta khataraha musiibooyinka, sugnaanta cunnada, taageerada bani’aadannimada iyo kobcinta awoodda bulshada.
Ujeeddada wada-shaqeyntan ayaa ah in la yareeyo saameynta ay musiibooyinku ku yeeshaan bulshada, lana ilaaliyo nolosha iyo nolol-maalmeedka dadka Soomaaliyeed, iyadoo la xoojinayo awoodda dalka ee ka hortagga iyo wax-ka-qabashada musiibooyinka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cusub · wfp · soomaaliya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada