Soomaaliya oo Ka Qaybgalay Kulan Soo Dhaweyn ah oo Putin u Sameeyay Madaxda Madasha Dhaqamada
Saint Petersburg – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Federaalka Ruushka, Vladimir Putin, uu u sameeyay madaxda ka qaybgalaysa…

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Saint Petersburg – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qaybgalay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweynaha Federaalka Ruushka, Vladimir Putin, uu u sameeyay madaxda ka qaybgalaysa Madasha 12-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay.
Madaxweyne Putin ayaa khudbaddii uu ka jeediyay kulanka ku adkeeyay doorka dhaqanku ku leeyahay isku soo dhoweynta shucuubta iyo sii wadidda wada-hadalka, xitaa xilliyada ay hakadaan xiriirrada siyaasadeed iyo kuwa dhaqaale.
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta aqoonsiga dhaqamada kala duwan, ka qaybgalka dhallinyarada iyo is-weydaarsiga aqoonta iyo waayo-aragnimada. Wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa Madaxweynaha Ruushka iyo dowladdiisa uga mahadceliyay martigelinta madasha, soo dhaweynta diirran iyo kaalinta ay ka qaadanayaan horumarinta dhaqanka iyo farshaxanka.
Wasiirka ayaa xusay in ka qaybgalka Soomaaliya ee madashan uu fursad muhiim ah u yahay soo bandhigidda hodantinimada hidaha Soomaaliyeed, is-weydaarsiga khibradaha iyo dhisidda iskaashi waxtar u leh hay’adaha dhaqanka, fanaaniinta iyo hal-abuurka Soomaaliyeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · sameeyay · soomaaliya · kulan
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada