Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay dhalinyaro lagu eedeeyay faahfaahinta anshax-xumo
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 10 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay baraha bulshada ku faafinayeen waxyaabo ka… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa soo bandhigay 10 dhallinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay baraha bulshada ku faafinayeen waxyaabo ka hor imanaya diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaalida.
Afhayeenka Ciidanka Booliiska Gaashaanle Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo dhalinyaradan, islamarkaana la horgeynayo hay’adaha garsoorka marka baaritaannadu soo dhammaadaan.
Booliiska ayaa sheegay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallo lagu ilaalinayo anshaxa bulshada, diinta islaamka iyo dhaqanka Soomaaliya, iyaga oo tilmaamay in cid kasta oo lagu tuhmo falal la mid ah kuwan ay la kulmi doonto tallaabooyin waafaqsan sharciga.
Muddooyinkii u dambeeyay waxaa sii kordhayay howlgallada ay Ciidanka Booliiska Soomaaliya ku beegsanayaan dhallinyarada isticmaasha baraha bulshada, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyo faafinta waxyaabo anshax-xumo ah.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.