Duqeymo ka dhacay deegaanno u dhow Baydhabo
Duqeymo dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kuwaas oo la… Sii akhri
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Duqeymo dhanka cirka ah ayaa xalay ka dhacay deegaanno ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, kuwaas oo la sheegay in lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay deegaanka Iidow Dhagaal, halka duqeymo kale laga soo sheegay deegaannada Haawal Aruunde, Ceeldoon iyo Saydheelow.
llaa hadda lama hayo xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay duqeymahaas iyo cidda fulisay, inkastoo muddooyinkii dambe Turkiga lagu eedeynayay in uu ka dambeeyo duqeymaha ka dhaca deegaannada Koonfur Galbeed.
Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya, xilli xiisadda siyaasadeed iyo amni ee deegaannada Koonfur Galbeed ay sii xoogeysanayso, islamarkaana garabka taageersan Laftagareen ay wacad ku mareen in ay sii wadi dooaan weerarada ka dhanka ah maamulka Aadan Madoobe.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · duqeymo · baydhabo · dhacay