Duqeyn lala beegsaday xarunta TV-ga Tigrey
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDuqeyn ayaa lagu qaaday xarunta Tigrai TV ee magaalada Mekelle, Tigray, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Dagaalka cusub ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), iyadoo labada dhinac ay soo bandhigayaan warar iska soo horjeeda oo ku saabsan dagaallada iyo dhulka ay gacanta ku hayaan.
- Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ahaa duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu qaaday xarunta Tigrai TV ee magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray.
- Weriyeyaal ka tirsan telefishinka ayaa sheegay in weerarku dhacay subaxnimadii Axadda, waxaana qaraxa uu sababay burbur soo gaaray dhismaha iyo daaqado badan oo jabay.
- Tigrey TV ayaa ah warbaahin muhiim u ah maamulka Tigray, waxaana weerarka lagu qaaday xilli ay dagaalladu si weyn u sii xoogeysanayeen.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saameynta duqeyntan ku leedahay xoriyadda saxaafadda ee Tigray?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Duqeyn ayaa lagu qaaday xarunta Tigrai TV ee magaalada Mekelle, Tigray.
- Dowladda federaalka Itoobiya ayaa 21-kii Sebtembar sheegtay in Tigrai TV si aan waqti loo cayimin loo hakiyay.
- in ka badan 150,000 oo qof ayaa gudaha Afar uga barakacay colaadda.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Xilli Dagaallo culusi ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray iyo deegaannada ku dhow, ayaa xaaladdu ay sare u qaaday cabsida laga qabo in dalka uu dib ugu laabto dagaalkii sokeeye ee socday intii u dhexeysay 2020 iyo 2022.
Dagaalka cusub ayaa u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga Tigray People’s Liberation Front (TPLF), iyadoo labada dhinac ay soo bandhigayaan warar iska soo horjeeda oo ku saabsan dagaallada iyo dhulka ay gacanta ku hayaan.
Mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu dambeeyay ayaa ahaa duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu qaaday xarunta Tigrai TV ee magaalada Mekelle ee xarunta gobolka Tigray.
Weriyeyaal ka tirsan telefishinka ayaa sheegay in weerarku dhacay subaxnimadii Axadda, waxaana qaraxa uu sababay burbur soo gaaray dhismaha iyo daaqado badan oo jabay.
Tigrey TV ayaa ah warbaahin muhiim u ah maamulka Tigray, waxaana weerarka lagu qaaday xilli ay dagaalladu si weyn u sii xoogeysanayeen.
Dowladda federaalka Itoobiya ayaa 21-kii Sebtembar sheegtay in Tigrai TV si aan waqti loo cayimin loo hakiyay, iyadoo sidoo kale warbaahinta kale looga digay inay baahiso wararka ka soo baxa telefishinkaasi.
Dhanka kale, ilo bani’aadannimo ayaa sheegay in xoogagga TPLF ay gudaha u galeen magaalada Erebti ee gobolka Afar, kaddib dagaallo culus oo loo adeegsaday madaafiic, waxaana Ilo deegaanka ahi ay sidoo kale sheegeen in xoogagga Tigray ay u sii dhaqaaqayaan dhanka Afdeera , oo qiyaastii 100 kiiloomitir bari kaga beegan Erebti.
Sida laga soo xigtay isla ilahaas, in ka badan 150,000 oo qof ayaa gudaha Afar uga barakacay colaadda, inkastoo tirada saxda ah aan weli la xaqiijin karin.
Dagaallada ayaa sidoo kale ka socda qaybo ka mid ah Amhara iyo koonfurta Tigray, iyadoo TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan ay toddobaadkan sameysteen isbahaysi ay ku doonayaan inay cadaadis ku saaraan dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
Isbahaysiga ayaa ka kooban toddoba kooxood oo hubeysan oo ka kala socda deegaanno iyo qowmiyado kala duwan oo Itoobiya ah.
Taliyaha ciidamada Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa ku eedeeyay Eritrea iyo Sudan inay taageerayaan xoogagga hubeysan ee dowladda dagaalka kula jira.
Wuxuu sidoo kale sheegay in kooxaha dagaallamaya aysan awood u yeelan karin inay si madax-bannaan u wajahaan dowladda haddii aysan helin taageero dibadeed.
Eritrea ayaa dhankeeda beenisay eedeymaha noocaas ah , halka ciidamada Sudan ay iyaguna sheegeen in aysan salka ku hayn xaqiiqo.
Arrinta Eritrea ayaa si gaar ah xasaasi u ah, maadaama xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu muddooyinkii dambe sii xumaaday. Khilaafka labada dal waxaa qayb ka ah arrinta marin-badeedka Itoobiya, oo ah dal aan bad lahayn, iyo walaaca Eritrea ee ku saabsan in Itoobiya ay doonayso inay hesho marin toos ah oo ay ugu gudubto Badda Cas.
Dhanka kale, isgaarsiinta gobolka Tigray ayaa la hawada ka maqan, ayadoo adeegyada internetka iyo taleefannada laga soo sheegayo inay si weyn u go’een tan iyo Jimcihii, taasoo adkeyneysa in si madax-bannaan loo xaqiijiyo wararka ka soo baxaya goobaha dagaalka.
Xaaladdan ayaa dadka Tigray ku abuurtay cabsi ah in dib loo soo celiyo go’doomintii baaxadda lahayd ee dhacday intii lagu jiray dagaalkii 2020–2022, xilligaas oo adeegyada korontada, bangiyada iyo gargaarka bani’aadannimo ay si weyn u hakadeen.
Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay xaaladda sii xumaanaysa, ayadoo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres uu sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay wararka ku saabsan adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo dhacdooyinka waxyeellada u geystay dadka rayidka ah.
Dagaalkan cusub wuxuu sidoo kale dib u soo nooleeyay xusuusta dagaalkii Tigray ee 2020–2022, kaas oo lagu qiyaasay in ku dhowaad 600,000 oo qof ay ku dhinteen, balse heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee 2022 ayaa dagaalkaas soo afjaray.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Duqeyn ayaa lagu qaaday xarunta Tigrai TV ee magaalada Mekelle, Tigray, iyadoo dagaallo culus ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya. Dowladda federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in Tigrai TV si aan waqti loo cayimin loo hakiyay 21-kii Sebtembar.
Qodobada muhiimka ah
- Duqeyn ayaa lagu qaaday xarunta Tigrai TV ee magaalada Mekelle, Tigray.
- Dowladda federaalka Itoobiya ayaa 21-kii Sebtembar sheegtay in Tigrai TV si aan waqti loo cayimin loo hakiyay.
- in ka badan 150,000 oo qof ayaa gudaha Afar uga barakacay colaadda.
- Taliyaha ciidamada Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa ku eedeeyay Eritrea iyo Sudan inay taageerayaan xoogagga hubeysan ee dowladda dagaalka kula jira.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay warar ka yimid weriyeyaasha Tigrai TV ee ku saabsan duqeynta.
- Eedeymaha ku saabsan tirada dadka barakacay iyo eedeymaha milatariga ma helin xaqiijin madax-bannaan.
- Lama helin jawaab ka timid Eritrea ama Sudan oo ku saabsan eedeymaha.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda Tigray waxay sii ahaaneysaa mid khatar ah, iyadoo saameyn weyn ku yeelaneysa howlaha warbaahinta iyo xaaladaha bani'aadamnimo.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saameynta duqeyntan ku leedahay xoriyadda saxaafadda ee Tigray?
- Sidee ayay colaadda u saameyn doontaa xaaladaha bani'aadamnimo ee gobolka?
- Maxay tahay tallaabooyinka ay dowladda Itoobiya qaadi doonto si ay uga jawaabto rabshadaha socda?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xarunta · beegsaday · lala
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Itoobiya oo 3 dal ku eedeysay dagaalka ay isbaheysiga 7-da koox ku iclaamiyeen Abiy
Caasimada Online
- Dagaallada waqooyiga Itoobiya oo galay maalintii 6-aad
Goobjoog Somali
- Dagaal ka socda magaalada Baydhabo
Puntland Post