Itoobiya oo 3 dal ku eedeysay dagaalka ay isbaheysiga 7-da koox ku iclaamiyeen Abiy
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiTaliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Masar iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysi cusub oo kooxo hubeysan ah oo doonaya inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed xilli dagaallo cusub ay ka qarxeen waqooyiga Itoobiya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Birhanu ayaa sheegay in kooxaha kasoo horjeeda dowladda federaalka aysan awoodi karin inay gaaraan hadafkooda haddii aan dibadda laga “riixin, taageerin oo sahay laga siin”, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Masar iyo Suudaan.
- Waxa uu sidoo kale Eritrea ku eedeeyay inay tahay isku xiraha dowladaha shisheeye iyo kooxaha hubeysan ee gudaha Itoobiya ka dagaallamaya.
- Taliyaha ciidamada Itoobiya ma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo taageeraya eedeymahaas, halka Masar iyo Suudaan aysan si rasmi ah uga jawaabin hadalladiisa.
- Hadallada Birhanu ayaa kusoo aadaya toddobaad kaddib markii toddobo urur oo hubeysan iyo kuwo siyaasadeed ay ku dhawaaqeen isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival, kaas oo sheegay in hadafkiisu yahay in meesha laga saaro dowladda Abiy Ahmed laguna beddelo maamul ku-meel-gaar ah.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee uu Birhanu haysto si uu u taageero eedeymahiisa?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Masar iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysi cusub oo ay sameysteen kooxo hubeysan oo doonaya inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
- Birhanu ayaa sheegay in kooxaha kasoo horjeeda dowladda federaalka aysan awoodi karin inay gaaraan hadafkooda haddii aan dibadda laga “riixin, taageerin oo sahay laga siin”, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Masar iyo Suudaan.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival la sameeyay, kaas oo ka kooban kooxo hubeysan oo kala duwan.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) — Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Masar iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysi cusub oo ay sameysteen kooxo hubeysan oo doonaya inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli dagaallo culus ay dib uga qarxeen waqooyiga dalka.
Birhanu ayaa sheegay in kooxaha kasoo horjeeda dowladda federaalka aysan awoodi karin inay gaaraan hadafkooda haddii aan dibadda laga “riixin, taageerin oo sahay laga siin”, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Masar iyo Suudaan.
Waxa uu sidoo kale Eritrea ku eedeeyay inay tahay isku xiraha dowladaha shisheeye iyo kooxaha hubeysan ee gudaha Itoobiya ka dagaallamaya.
Taliyaha ciidamada Itoobiya ma uusan soo bandhigin caddeymo madax-bannaan oo taageeraya eedeymahaas, halka Masar iyo Suudaan aysan si rasmi ah uga jawaabin hadalladiisa. Eritrea ayaa horey dhowr jeer u beenisay eedeymaha Addis Ababa ee ah inay taageerto kooxaha hubeysan ee Itoobiya.
Hadallada Birhanu ayaa kusoo aadaya toddobaad kaddib markii toddobo urur oo hubeysan iyo kuwo siyaasadeed ay ku dhawaaqeen isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival, kaas oo sheegay in hadafkiisu yahay in meesha laga saaro dowladda Abiy Ahmed laguna beddelo maamul ku-meel-gaar ah.
Isbahaysiga waxaa ka mid ah Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, Oromo Liberation Army, ONLF iyo Amhara Fano National Movement — kooxo qaarkood oo dhinacyo iska soo horjeeday ka kala dagaallamay dagaalkii Itoobiya ee 2020 ilaa 2022.
Samaysanka isbahaysigan ayaa muujinaya isbeddel weyn oo ku yimid xulafaysiga siyaasadeed iyo militari ee Itoobiya. TPLF iyo xoogagga Fano waxay dagaalkii hore ahaayeen cadaw, balse hadda waxaa mideynaya mucaaradnimada ay kala soo horjeedaan dowladda Abiy Ahmed.
Dagaal dib uga qarxay waqooyiga
Eedeymaha taliyaha ciidamada ayaa sidoo kale imanaya xilli dagaalkii waqooyiga Itoobiya uu galay marxalad cusub.
Ciidamada Tigray ayaa toddobaadkan la wareegay garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Tigray, waxaana dagaallo ay la galeen ciidamada federaalka laga soo sheegay deegaanno ka tirsan Afar iyo Amhara.
Dhinacyada ayaa isku eedeeyay inay bilaabeen dagaalka, iyadoo dowladda federaalka iyo TPLF ay bixiyeen warar iska soo horjeeda oo ku saabsan cidda qaaday weerarradii horseeday isku dhacyada cusub.
Xaaladda ayaa dhalisay cabsi laga qabo in Itoobiya ay dib ugu laabato dagaal ballaaran oo la mid ah kii 2020-2022, kaas oo sababay dhimashada boqollaal kun oo qof.
Madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Volker Türk ayaa Jimcihii sheegay inuu “si weyn uga walaacsan yahay” dagaallada sii xoogeysanaya, isaga oo ugu baaqay dowladda Itoobiya, TPLF iyo xulafadooda inay degdeg u qaboojiyaan xiisadda kana fogaadaan in dalku dib ugu laabto dagaal buuxa.
Khilaafka Masar iyo biyo-xireenka Nile
Eedeynta cusub ee Itoobiya u jeedisay Masar waxay kusoo beegmeysaa iyadoo labada dal ay mar kale isku maandhaafeen biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee laga dhisay Blue Nile.
Wasiirka Kheyraadka Biyaha Masar Hani Sewilam ayaa toddobaadkii hore sheegay in mas’uuliyiinta Itoobiya ay tahay inay fahmaan in dhismaha biyo-xireen laga sameeyo webi ay dalal wadaagaan uusan la mid ahayn “roog gurigaaga la dhigayo”.
Waxa uu diiday mowqifka Itoobiya ee ah in arrimaha biyo-xireenka ay si buuxda ugu jiraan madax-bannaanideeda qaran, isagoo ku adkeystay in isticmaalka webi dalal badan mara uu leeyahay xeerar caalami ah.
Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Itoobiya ayaa laba maalmood kaddib si kulul uga jawaabtay, iyadoo hadalka wasiirka Masar ku tilmaantay mid ka tarjumaya “maskax gumeysi oo qallafsan”.
Addis Ababa waxay sheegtay in Qaahira ay u dhaqmeyso sidii oggolaanshaheeda looga baahan yahay dalalka sare ee Nile-ka kahor inta aysan isticmaalin biyaha webiga.
Masar iyo Suudaan ayaa muddo dheer dalbanayay heshiis sharci ahaan waajib ah oo qeexaya habka loo maamulayo GERD, gaar ahaan xilliyada abaarta dheer, iyo xogta ku saabsan biyaha laga sii deynayo biyo-xireenka.
Itoobiya waxay dhankeeda ku adkeysaneysaa in mashruucu muhiim u yahay koronto-soo-saarkeeda iyo horumarinta dhaqaalaha, isla markaana uusan waxyeello weyn u geysan doonin dalalka hoose ee webiga.
Addis Ababa ayaa 9-kii Sebtembar 2025 si rasmi ah xarigga uga jartay GERD, iyada oo aan weli heshiis sharci ahaan waajib ah kala gaarin Masar iyo Suudaan.
Xiriirka Suudaan iyo Eritrea
Xiriirka Itoobiya iyo Suudaan ayaa isna sii xumaaday bilihii lasoo dhaafay.
Bishii May, ciidamada Suudaan ayaa Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha Khartoum iyo goobo kale.
Khartoum waxay sheegtay in qaar ka mid ah diyaaradahaas laga soo diray garoonka Bahir Dar ee Itoobiya. Itoobiya ayaa eedeynta ku tilmaantay mid “aan sal lahayn”, waxayna taa beddelkeeda Suudaan ku eedeysay inay hub iyo dhaqaale siisay dagaalyahanno xiriir la leh TPLF. Eedeymaha labada dhinac si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dhanka Eritrea, ciidamadeedu waxay dowladda Abiy Ahmed garab siinayeen dagaalkii Tigray ee 2020-2022, balse xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa si weyn u xumaaday kaddib heshiiskii Pretoria ee lagu soo afjaray dagaalka.
Xiisadda labada dal ayaa markii dambe kasii dartay iyadoo ay soo baxeen khilaafaad la xiriira amniga gobolka iyo dadaallada Itoobiya ee ku aaddan inay hesho marin ay ku gaarto Badda Cas.
Dowladda Itoobiya ayaa hadda Eritrea ku eedeyneysa inay dhaqaale iyo taageero kale siineyso xubno ka tirsan isbahaysiga cusub ee kasoo horjeeda Abiy Ahmed, eedeyn ay Asmara marar badan beenisay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Masar iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysi cusub oo kooxo hubeysan ah oo doonaya inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed xilli dagaallo cusub ay ka qarxeen waqooyiga Itoobiya.
Qodobada muhiimka ah
- Taliyaha ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu Jula ayaa Masar iyo Suudaan ku eedeeyay inay taageerayaan isbahaysi cusub oo ay sameysteen kooxo hubeysan oo doonaya inay xukunka ka tuuraan ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.
- Birhanu ayaa sheegay in kooxaha kasoo horjeeda dowladda federaalka aysan awoodi karin inay gaaraan hadafkooda haddii aan dibadda laga “riixin, taageerin oo sahay laga siin”, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay Masar iyo Suudaan.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in isbahaysi cusub oo lagu magacaabo Ethiopian Peoples’ Forces Alliance for Survival la sameeyay, kaas oo ka kooban kooxo hubeysan oo kala duwan.
- Dagaal dib uga qarxay waqooyiga Eedeymaha taliyaha ciidamada ayaa sidoo kale imanaya xilli dagaalkii waqooyiga Itoobiya uu galay marxalad cusub.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo caddeymo madax-bannaan oo taageeraya eedeymaha uu Birhanu soo jeediyay.
- Masar iyo Suudaan si rasmi ah ugama jawaabin eedeymaha uu Birhanu soo jeediyay.
- Eritrea ayaa horey u beenisay eedeymaha ku saabsan taageerada kooxaha hubeysan ee Itoobiya.
Gunaanadka akhristaha
Eedeymaha loo jeediyay Masar iyo Suudaan ayaa muujinaya isbeddelka adag ee ku saabsan dagaalka socda ee Itoobiya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee uu Birhanu haysto si uu u taageero eedeymahiisa?
- Sidee ayey isbahaysiga cusub u saameyn doontaa dagaalka socda ee Itoobiya?
- Maxay noqon doontaa jawaabta Masar iyo Suudaan ee eedeymahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · abiy · koox
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada