Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Fahfaahin Ku Saabsan Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh Ee Dalka Kenya
NAROK, Kenya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Kenya maalintii shalay, isagoo magaalada Narok ee koonfurta galbeed Kenya kulan muhiim ah oo fool-ka-fool ah kula qaatay dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne William Ruto. Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, labada madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay […]
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho ku tagay dalka Kenya, halkaas oo uu kulan la qaatay Madaxweyne William Ruto.
Maxaa la shaaciyey
- Labada madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.
- Kulanka ayaa dhacay magaalada Narok ee koonfurta galbeed Kenya.
- Madaxweyne William Ruto ayaa ka soo laabtay shirkii G7, halkaas oo ajandayaashu ay ka mid ahaayeen arrimaha Geeska Afrika.
Macnaha guud
Kulankan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne William Ruto uu ka dayriyay xaaladda Soomaaliya, isagoo sheegay in hay'addaha dowladda federaalka ay wajahaan dhibaatooyin siyaasadeed.
“Madaxweyne William Ruto uu dhowaan ka soo laabtay shirkii G7, ee ka dhacay dalka Faransiiska.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan isbadallada siyaasadeed iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
NAROK, Kenya – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay dalka Kenya maalintii shalay, isagoo magaalada Narok ee koonfurta galbeed Kenya kulan muhiim ah oo fool-ka-fool ah kula qaatay dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne William Ruto.
Sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya, labada madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta dhow ee Soomaaliya iyo Kenya, si loo xaqiijiyo ilaalinta nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Gobolka Geeska Afrika.
Kulankan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne William Ruto uu dhowaan ka soo laabtay shirkii G7, ee ka dhacay dalka Faransiiska, kaasoo ajandiyaasha ay kamid ahaayeen arrimaha Geeska Afrika.
Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay in saddex ka mid ah madaxda dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika ay xoogga saarayaan in la helo heshiis siyaasadeed oo dhab ah, si looga baaqsado dib-u-dhac ku yimaada taageerada iyo caawinta ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya. Dalalkan ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ayaa walaac ka qaba dhaqaale la’aan baahsan oo soo wajahday howlgalka AUSSOM, xilli uu sii dhammaanayo qorshaha kala-guurka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.