Fal-celin xooggan oo ka dhalatay weerarka Xasan ku qaaday Imaaraadka Carabta
Waxa dhacay
Hal il · Caasimada Online
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay weerarka afka ah ee uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku qaaday dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Xasan Sheekh ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu horay u tagay dalalka Liibiya iyo Yemen, isla markaana uu kala qaybiyay, isagoo intaas ku daray in maanta uu u soo jeestay waddamada Soomaaliya iyo Suudaan.
- Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dowladda Imaaraadka ay gudaha Soomaaliya ka dhistay saldhigyo milatari oo sharci-darro ah, isla markaana ay sameysay ciidamo ka baxsan nidaamka taliska ciidamada Qaranka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub wiiqaya isku-duubnida hay’adaha amniga xilli dalku uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.
- “Imaaraadka wuxuu ku dhiiraday inuu dhiso saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ogolaansho ka haysan DFS.
- Haddaba sidee looga fal-celiyay weerarka uu Madaxweynaha ku qaaday Imaaraadka?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay weerarka afka ah ee uu maanta Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku qaaday dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta, isaga oo ku eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso arrimaha gudaha, midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu horay u tagay dalalka Liibiya iyo Yemen, isla markaana uu kala qaybiyay, isagoo intaas ku daray in maanta uu u soo jeestay waddamada Soomaaliya iyo Suudaan.
Wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga digay in dalku uu wajaho xaalado la mid ah kuwa dalalkaas haddii aan la xoojin midnimada siyaasadeed iyo hay’adaha qaranka
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dowladda Imaaraadka ay gudaha Soomaaliya ka dhistay saldhigyo milatari oo sharci-darro ah, isla markaana ay sameysay ciidamo ka baxsan nidaamka taliska ciidamada Qaranka Soomaaliya, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub wiiqaya isku-duubnida hay’adaha amniga xilli dalku uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxaha argagixisada.
“Imaaraadka wuxuu ku dhiiraday inuu dhiso saldhigyo milatari iyo ciidamo ka baxsan nidaamka amniga Qaranka Soomaaliyeed, isagoo ogolaansho ka haysan DFS. Ciidan aan ka amar qaadan talisyada Qaranka waa ciidan wiiqaya awoodda iyo midnimada hay’adaha amniga dalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.
Haddaba sidee looga fal-celiyay weerarka uu Madaxweynaha ku qaaday Imaaraadka?
Khayre Xaaji Nuur: “Waa nasiib-darro weyn in xilligan oo dalku uu wajahayo loolan qaran iyo faragelin dibadda ah, ay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo ka doorbida danahooda gaarka ah iyo inay dhabarka ka jaraan qaranimada”.
Axmed Xirsi: “Imaaraad waa walaalaheen sidaad noo sheegi jirtay markaad mucaaradka ahayd welina waa walaalkeen, laakiin adiga ayaa danahaagii ka waayay”.
Nasra Maxamuud Cali: “Khudbad ka qiiro badan ma aadan duubin waayahaan Villada odayga waa ku caajisay”.
Kaafi Faarax: “Imaaradku waa u adeegaha Yahuuda, waxayna ka shaqeeyaan dib u dhaca iyo kala qeybinta waddamada Islaamka ah”.
Sayid Cumar: “Mudane Madaxweyne bal doorasho ogoloow wax walbaa waa ay hagaagayaan kadib”.
Cali Aadan: “Si kasta oo ay u qaraar tahay, uguna aadayso marxalad xasaasi ah oo loollan siyaasadeed socdo, waxaan shaki ku jirin in UAE ay Soomaaliya ku hayso faragelin iyo kala-googooyn baaxad weyn”.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xooggan · fal · qaaday
Sii akhri
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay faragelin ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya
Shabelle Media
- Wasiirka Cadaaladda oo Puntland, Jubbaland iyo mucaaradka ku eedeeyay inay isku bahaysteen ka-hor-tagga dowladda Federaalka
Shabelle Media
- Wasiir Fiqi oo soo jeediyay in maleeshiyaadka uu hubka siiyay Imaaraadka lagu diro liiska…
Caasimada Online