Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Farmaajo oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Toddobaadka Xorriyadda
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 26-ka Juun iyo Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliyeed. Qoraal uu soo saaray, Farmaajo ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya sana
Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun iyo Toddobaadka Xorriyadda.
Maxaa la shaaciyey
- Farmaajo ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii.
- Madaxweynihii hore ayaa xusay in xuska sanadkan uu ku soo beegmayo xilli dalka uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin colaado iyo khilaafaad siyaasadeed.
- Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka inay xusaan Toddobaadka Xorriyadda iyo inay xoojiyaan wacyiga waddaniyadeed.
Macnaha guud
Farmaajo ayaa ka hadlay xaaladaha amni ee khatar ku ah midnimada Soomaaliya.
“26-ka Juun waxay tahay maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan muhiimadda xuska xorriyadda iyo midnimada ummadda.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 26-ka Juun iyo Toddobaadka Xorriyadda Soomaaliyeed.
Qoraal uu soo saaray, Farmaajo ayaa sheegay in 26-ka Juun ay tahay maalin taariikhi ah oo lagu xasuusto xorriyaddii gobollada Waqooyi ee Soomaaliya sanadkii 1960-kii, taas oo uu ku tilmaamay saldhigii halgankii gobannimo-doonka iyo himiladii mideynta ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynihii hore ayaa xusay in xuska sanadkan uu ku soo beegmayo xilli dalka uu wajahayo caqabado ay ka mid yihiin colaado, khilaafaad siyaasadeed iyo xaalado amni oo, sida uu sheegay, khatar ku ah midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliya.
Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay si weyn u xusaan Toddobaadka Xorriyadda, isla markaana ay xoojiyaan wacyiga waddaniyadeed, ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.