Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Galmudug oo looga dareeray doorasho
Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo isku sidkan, taas oo lagu… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah oo isku sidkan, taas oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee maamulkaas.
Doorashadan ayaa looga dareeray 11 degmo oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo koonfurta Mudug, kuwaas oo kala ah Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel, Caabudwaaq, Balanbale, Hobyo, Xarardheere, Xeraale, Ceeldheer, Galcad iyo koonfurta Gaalkacyo.
In ka badan 200,000 oo qof ayaa isku diiwaangeliyay doorashadan oo lagu dooranayo 243 xubnood oo gole deegaan ah iyo 89 xubnood oo gole wakiillo ah, waxaana ku tartamaya dhowr urur oo ugu tunweyn yahay JSP.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maamulaysa doorashadan waxay madaxweynaha maamulka Galmudug u wadataa Liibaan Shuluq oo ka tartamaya ururka uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.