Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo baahiyaha aasaasiga ah, dayactirka iyo dib-u-habaynta xarumaha daryeelka agoonta, iyo awood-siinta dhaqaale ee qoysaska agoonta. Mashruucan waxaa iska kaashanaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada iyo Mu’a

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS, Maxamed Cismaan Nastaara, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo baahiyaha aasaasiga ah, dayactirka iyo dib-u-habaynta xarumaha daryeelka agoonta, iyo awood-siinta dhaqaale ee qoysaska agoonta.
Mashruucan waxaa iska kaashanaya Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada iyo Mu’assasadda Mahasin ee Horumarinta iyo Waxbarashada. Xarunta Boqor Salmaan ayaa taageeraysa mashruuca, halka Mu’assasadda Mahasin ay fulinayso.
Mashruuca ayaa lagu dayactirayaa laguna hawlgelinayaa xarumaha daryeelka agoonta, iyadoo sidoo kale diiradda la saarayo awood-siinta dhaqaale ee qoysaskooda. Waxa uu qayb ka yahay barnaamijyada bani’aadantinimo iyo horumarineed ee Xarunta Boqor Salmaan ay ka fuliso Soomaaliya.
Ujeeddada mashruuca ayaa ah in la hagaajiyo xaaladaha nololeed iyo waxbarasho ee carruurta agoonta ah. Waxaa si toos ah uga faa’iideysan doona 905 carruur ah oo agoon ah, kuwaas oo ku kala sugan xarumaha mashruucu ka fulayo, oo ay ka mid yihiin:
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.