Golaha Shacabka oo ansixiyey Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka
Muqdisho, 23 Sebtembar 2026 — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 18-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho, 23 Sebtembar 2026 — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 18-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka, waxaana oggolaaday 140 xildhibaan, iyadoo uusan jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Golaha Shacabka ku ansixiyey hindise sharciyeedka.
Sidoo kale, Golaha ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo warbixinta hindisaha uu Golaha ka hor akhriyey Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
Kulanka ayaa ugu dambeyn lagu qeybiyey Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharci Lr. 30 ee 20-kii Abriil 2012, kaas oo loo gudbiyay marxaladda xigta ee hannaanka sharci-dejinta.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · shacabka · golaha · ansixiyey
Sii akhri
- Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda
Somali National TV
- Golaha Shacabka oo su’aalo ka weydiiyey Wasiirka Warfaafinta shaqada iyo qorshayaasha Wasaaradda
Goobjoog Somali
- Madaxweyne Xasan Sheekh oo la Filayo inuu Khudbad ka Jeediyo Golaha Guud ee QM
Shabelle Media