Warbixin Soomaali iyo caalami ah
Goobjoog Somaligeneral

Golaha Wasiirrada oo bilaabay qorshaha hirgelinta Dastuurka 2026–2029

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo…

SO
Golaha Wasiirrada oo bilaabay qorshaha hirgelinta Dastuurka 2026–2029
Sawir / xog muuqaal ah · Goobjoog Somali

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa bilaabay qorshaha hirgelinta Dastuurka 2026-2029.

Maxaa la shaaciyey

  1. Wasaaradda Caddaaladda ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee hirgalinta dastuurka.
  2. Ra'iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dastuurka uu dhaqangal yahay laga bilaabo maalinta uu saxiixay Madaxweynaha.
  3. Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey siyaasado iyo heshiisyo muhiim u ah horumarka Qaranka.

Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Ra'iisul Wasaare Xamsa
2026-05-17

Sababta ay muhiim u tahay: Hirgelinta dastuurka ayaa ahmiyad weyn u leh midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Soo koobiddu miyaa kuu adeegtay?

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali

Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin

Isha asalka ah

Asalka

Qoraalka asalka ah

Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.

Goobjoog Somali

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan ayaa looga hadlay Qorshaha Hirgalinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ahmiyad weyn u leh hey’adaha dowladda, siyaasadda dalka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caddaaladda iyo arrimaha Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo golaha ka-hor jeedisay qorshaha lagu hirgalinyo dastuurka, muddada iyo farsamada, ayaa soo jeedisay ujeeddooyinka muhiimka ah ee uu leeyahay hirgalinta dastuurka dalka, kaasi oo qeexaya hubinta in dhammaan qodobada dastuurka la hirgaliyo muddada dastuurka ku cad ee ah inta u dhaxeysa sanadaha (2026-2029).

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulanka guddoomiyey, ayaa sheegay in laga bilaabo maalinkii uu saxiixay Madaxweynaha iyo Maalinkii lagu soo saaray faafinta rasmiga ah uu dhaqangal yahay dastuurka, balse hirgalintiisa farsamo ahaan ay ku caddahay Dastuurka laftiisa, taasi oo qaadanaysa muddo, gaar ahaan arrimaha ku saabsan maamulka.

Warbixinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa lagu sheegay in golaha la hor-keeni doono qaraar qeexaya shaqooyinka horu-tabinta leh ee Dastuurka ku jira ee 12-ka bilood ee soo socota la qabanayo, iyada oo loo eegayo duruufadaha uu dalka ku jiro, iyo baahiyaha loo qabo, waxaanna shaqooyinkaas ka mid ah guddiyo iyo hay’addo aad muhiim ugu ah socodsiinta shaqooyinka Qaranka, sida Golaha Adeegga Garsoorka iyo Hay’adda Dakhliga Qaranka.

Isha: Goobjoog Somali. Akhri asalka.
Isha warka

Sababta sheekadan loo muujiyey

Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.

Waxa tani ka dhigan tahay
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
Tirada ilaha
1
Ilaha la adeegsaday
Goobjoog Somali
Isku dhafka luqadaha
Soomaali
Xaaladda turjumaadda
Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
Soo koobid AI
AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday
somaliageneralgolahaqorshahadastuurka
Qoraal akhriste: Had iyo jeer eeg warbixinnada asalka ah ee la xiriiriyey si aad u hesho macnaha buuxa.

La socodsii

Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.