Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo
Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud, ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula yeeshay laamaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha amniga, si l
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Kulan looga hadlayay amniga doorashooyinka ayaa lagu qabtay Baydhabo, oo uu hogaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Saadiq Abshir Garaad, waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo mas'uuliyiin amniga.
Qodobada muhiimka ah
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha amniga doorashada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
- Mas'uuliyiinta ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga goobaha doorashada iyo sugidda nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.
- Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa la sheegay inuu kordhinayo dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan shuruucda dalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la xiriira natiijooyinka kulanka.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dhinacyada kale ama mas'uuliyiinta aan ka qaybgalin kulanka.
- Faahfaahinta ku saabsan tallaabooyinka amniga ee la falanqeeyay ma aysan jirin.
Gunaanadka akhristaha
Kulanka ayaa muujinaya dadaallada socda ee lagu sugayo habka doorashada Koonfur Galbeed, laakiin faahfaahinta ku saabsan hirgelinta iyo waxtarka ayaa weli aan caddayn.
Waxa weli aan caddayn
- Tallaabooyinka amniga gaarka ah ee la hirgelin doono maxay yihiin?
- Sidee loo qiimeyn doonaa waxtarka tallaabooyinkan amniga?
- Maxay yihiin caqabadaha suurtagalka ah ee ka hor imaan kara sugidda habka doorashada?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Mudane Saadiq Abshir Garaad, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Guddiga iyo Xoghayaha Guud, ayaa magaalada Baydhabo kulan muhiim ah kula yeeshay laamaha amniga ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka howlaha amniga, si loo xaqiijiyo jawi deggan oo ammaan ah inta lagu guda jiro diyaar-garowga iyo qabsoomidda doorashada Hoggaamiyaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay adkeynta amniga goobaha doorashada iyo sugidda nabadgelyada dhammaan dhinacyada ku lugta leh geeddi-socodka doorashada.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa xusay inuu sii laba-jibbaarayo dadaallada lagu xaqiijinayo in doorashadu ku qabsoonto si xor ah, hufan, daahfuran, isla markaana waafaqsan shuruucda, xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.