Mareykanka oo shaaciyey weerar culus oo ku soo socda xarumaha militariga Itoobiya
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Mareykanka ayaa ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya, gaar ahaan Addis Ababa, xilli dagaallada waqooyiga Itoobiya ay sii xoogeysanayaan.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay inay ka warqabto warar ku saabsan weerarro suuragal ah oo masaafo dheer ah oo lagu beegsan karo xarumaha ciidamada Itoobiya.
- Safaaraddu ma aysan sheegin cidda fulin karta weerarradaas, nooca hubka la adeegsan karo ama inay hayso xog muujineysa in weerar uu dhow yahay.
- Waxay muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay ka fogaadaan xarumaha militariga iyo goobaha kale ee xasaasiga ah, feejignaadaan, isla markaana si dhow ula socdaan wararka gudaha.
- Muwaadiniinta Mareykanka ayaa sidoo kale looga digay inay u safraan gobollada Tigray iyo Amhara iyo qeybo ka mid ah Afar oo ay saameeyeen dagaallada.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Mareykanku haysto oo ku saabsan weerarrada suurtagalka ah?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya.
- Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay...
- Waxay muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay ka fogaadaan xarumaha militariga iyo goobaha kale ee xasaasiga ah.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya, kuwaas oo laga yaabo inay gaaraan bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda Addis Ababa, xilli dagaallada waqooyiga dalka ay sii xoogeysanayaan.
Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay inay ka warqabto warar ku saabsan weerarro suuragal ah oo masaafo dheer ah oo lagu beegsan karo xarumaha ciidamada Itoobiya.
Safaaraddu ma aysan sheegin cidda fulin karta weerarradaas, nooca hubka la adeegsan karo ama inay hayso xog muujineysa in weerar uu dhow yahay.
Waxay muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay ka fogaadaan xarumaha militariga iyo goobaha kale ee xasaasiga ah, feejignaadaan, isla markaana si dhow ula socdaan wararka gudaha.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa sidoo kale looga digay inay u safraan gobollada Tigray iyo Amhara iyo qeybo ka mid ah Afar oo ay saameeyeen dagaallada.
Kuwa hadda ku sugan goobahaas ayaa lagula taliyay inay baxaan haddii ay si ammaan ah u sameyn karaan, ama ay meel ammaan ah ku nagaadaan haddii bixitaanku halis yahay.
Safaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in adeegyada internet-ka iyo taleefannada ay go’i karaan digniin la’aan, inkastoo ay sheegtay in xaaladda amni ee Addis Ababa ay weli deggan tahay.
Qaraxyo laga maqlay Addis Ababa
Digniinta cusub ayaa timid lix maalmood kadib markii qaraxyo laga maqlay qeybo ka mid ah Addis Ababa, xilli dagaalka waqooyiga Itoobiya uu galay marxalad cusub.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka Itoobiya ayaa Associated Press u sheegay in saddex qarax ay ka dhaceen goobo kala duwan habeenkii 1-dii October.
Ilo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in qarax laga maqlay meel u dhow xarunta wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya.
Ilaa hadda si cad looma xaqiijin waxa sababay qaraxyadaas.
Reuters ayaa xilligaas soo xigatay ilo ku dhow isbahaysiga Ethiopian Peoples’ Forces Coalition for Survival, oo dagaal kula jira dowladda federaalka, kuwaas oo sheegay in isbahaysigu weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaaday Addis Ababa, oo ay ku jirto xarunta militariga.
Reuters waxay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin sheegashadaas, halka dowladda Itoobiya aysan xaqiijin in qaraxyadu ahaayeen weerarro drone ah.
Qaraxyada ayaa dhacay saacado kadib markii hay’adda sirdoonka Itoobiya ay mamnuucday duulimaadyada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Addis Ababa iyo deegaannada ku hareeraysan.
Digniinta Mareykanka ee Arbacada ma aysan xiriirin hanjabaadda cusub ee weerarrada masaafo dheer qaraxyadii 1-dii October, mana aysan magacaabin koox gaar ah oo ay sheegtay inay weerarrada qorsheyneyso.
Dagaalka waqooyiga oo sii xoogeysanaya
Digniinta ayaa kusoo aadeysa xilli dagaallo xooggan ay ka socdaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray.
Ciidamada federaalka iyo xoogag Tigray ah oo dowladda taageersan ayaa maalmo kahor dib ula wareegay magaalada Mekelle, kadib markii Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ay isaga baxday caasimadda gobolka.
Dagaallada oo billowday 23-kii September ayaa ah kuwii ugu cuslaa tan iyo heshiiskii Pretoria ee 2022, kaas oo soo afjaray dagaalkii laba sano socday ee dowladda federaalka iyo ciidamada Tigray.
Xiisadda gudaha Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli xiriirka Addis Ababa iyo Asmara uu si weyn u xumaaday.
Itoobiya ayaa Eritrea ku eedeysay inay taageerto TPLF iyo kooxaha kale ee la dagaallamaya dowladda federaalka, isla markaana ciidamo dheeraad ah soo gelisay gudaha Itoobiya. Eritrea ayaa eedeymahaas beenisay.
Labada dal ayaa toddobaadkii hore jaray xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib markii Itoobiya ay xirtay safaaraddeedii Asmara oo ay dalka ka cayrisay 10 diblomaasi oo Eritrean ah.
Warar Arbacadii kasoo baxay waqooyiga Tigray ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo Eritrean ah lagu arkay agagaarka magaalada Adigrat, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in xiisadda labada dal ay isu beddesho dagaal toos ah.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa hadda muwaadiniinteeda kula talineysa inay dib uga fiirsadaan safarrada Itoobiya, iyadoo sabab uga dhigeysa dagaallada, qalalaasaha, afduubyada, argagixisada iyo khatarta go’itaanka isgaarsiinta.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya, gaar ahaan Addis Ababa, xilli dagaallada waqooyiga Itoobiya ay sii xoogeysanayaan.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Mareykanka ayaa ka digtay suurta-galnimada weerarro masaafo dheer ah oo lagu qaado xarumaha militariga Itoobiya.
- Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa digniin amni oo ay soo saartay ku sheegtay...
- Waxay muwaadiniinta Mareykanka ugu baaqday inay ka fogaadaan xarumaha militariga iyo goobaha kale ee xasaasiga ah.
- Qaraxyo laga maqlay Addis Ababa, xilli dagaalka waqooyiga Itoobiya uu galay marxalad cusub.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma caddeynayo cidda fulin karta weerarrada suurtagalka ah.
- Ma xaqiijinayo sababta qaraxyada laga maqlay 1-dii October.
- Lama hayo jawaab ka timid dowladda Itoobiya oo ku saabsan digniinta Mareykanka.
Gunaanadka akhristaha
Dowladda Mareykanka ayaa digniin u dirtay muwaadiniinteeda ku sugan Itoobiya oo ku saabsan weerarro milatari oo suurtagal ah xilli dagaallo socda.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay xogta gaarka ah ee Mareykanku haysto oo ku saabsan weerarrada suurtagalka ah?
- Yaa la rumeysan yahay inay qorsheynayaan weerarradan masaafo dheer?
- Waa maxay tallaabooyinka ay dowladda Itoobiya qaadi doonto si ay uga jawaabto digniinahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · militariga · soo · mareykanka