Guddiga Doorashooyinka iyo Wasaaradda Haweenka oo ka wada hadlay qoondada haweenka
Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, iyo masuuliyiin sare oo ay…
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Guddiga Madax-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta xarunta dhexe ee Guddiga kulan kula yeeshay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska, Marwo Khadiija Al-Makhsuumi, iyo masuuliyiin sare oo ay hoggaaminaysay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka-qaybgalka haweenka ee doorashooyinka, gaar ahaan ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, iyo sidii loo xaqiijin lahaa ka-qaybgalka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee geeddi-socodka doorashooyinka.
Kulankan oo daba socday wada-tashiyo hore, ayaa labada dhinac waxay dib ugu qiimeeyeen horumarka laga sameeyay ilaalinta qoondada haweenka iyo ka-qaybgalka dadka baahiyaha gaarka ah qaba, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay tallaabooyinka lagu sii xoojin karo arrimahaasi.
Ugu dambeyn, labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda, iyadoo la dhisayo guddi heer farsamo ah oo u xilsaaran isku-dubbaridka iyo ka wada shaqeynta arrimaha ay labada dhinac iska kaashan karaan, si loo sii xoojiyo horumarka laga gaaray ka-qaybgalka haweenka iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee doorashooyinka.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · doorashooyinka · haweenka · wasaaradda
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Taliyaha CXD oo saxiixay wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliga colaadaha
Goobjoog Somali
- Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo saxiixay sharciga adag oo ka hortagayo tacdiga loo geysto Haweenka
Raxanreeb Online
- Soomaaliya iyo Shiinaha oo kawada hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo difaaca
Raxanreeb Online