Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo saxiixay sharciga adag oo ka hortagayo tacdiga loo geysto Haweenka
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa saxiixay Ka Hortagga iyo Wax-ka-qabashada Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka Xilliyada Colaadaha.
Qoraal kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka xoogga, ayaa lagu sheegay in amarkan uu xoojinayo dadaallada lagu hor istaagayo tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, gaar ahaan kuwa ka dhaca xilliyada colaadaha, iyadoo la adkeynayo ilaalinta xuquuqda, karaamada iyo badqabka haweenka.
Sidoo kale tallaabadan ayaa la tilmaamay in Dadejinayso waajibaadyo cad oo la xiriira ka hortagga, soo-sheegidda, baaritaanka iyo wax-ka-qabashada kiisaska tacaddiyada ka dhanka ah haweenka, iyadoo la raacayo shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah xilliyada colaadaha.
Saxiixa Amarka Taliyaha ayaa la sheegay inuu ka dhashay wada-shaqeyn iyo dadaallo joogto ah oo ay wadeen Kooxda Xuquuqda Aadanaha iyo Ilaalinta ee UNTMIS iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Tacaddiyada Galmada ee la Xiriira Colaadaha, kuwaas oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kala shaqeynayay sidii ka hortagga iyo wax-ka-qabashada tacaddiyada ka dhanka ah haweenka xilliyada colaadaha
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Raxanreeb Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · dalka · ciidanka · xoogga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada