Guddiga Miisaaniyadda oo dib-u-eegis ku bilaabay Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMuqdisho, 22 Sebtembar 2026 – Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Lr. 130, iyadoo Guddigu uu Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe kala tashaday qodobbada wax-ka-beddelka lagu sameeyey iyo sababaha keenay in sharciga wax laga beddelo.
- Sidoo kale, waxaa laga hadlay qodobbada cusub ee hindise-sharciyeedka lagu soo kordhiyey iyo saameynta ay ku yeelan karaan siyaasadda lacagta, nidaamka bangiyada iyo dhaqaalaha guud ee dalka.
- Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa Guddiga faahfaahin ka siiyey ujeeddooyinka hindise-sharciyeedka, baahida loo qabo wax-ka-beddelka sharciga iyo qorshaha lagu hirgelinayo qodobbada cusub.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, 22 Sebtembar 2026 – Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Iimaan Cige, iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.
Kulanka oo ka dhacay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxaa shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Guddiga, Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Lr. 130, iyadoo Guddigu uu Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe kala tashaday qodobbada wax-ka-beddelka lagu sameeyey iyo sababaha keenay in sharciga wax laga beddelo.
Sidoo kale, waxaa laga hadlay qodobbada cusub ee hindise-sharciyeedka lagu soo kordhiyey iyo saameynta ay ku yeelan karaan siyaasadda lacagta, nidaamka bangiyada iyo dhaqaalaha guud ee dalka.
Wasiirka Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa Guddiga faahfaahin ka siiyey ujeeddooyinka hindise-sharciyeedka, baahida loo qabo wax-ka-beddelka sharciga iyo qorshaha lagu hirgelinayo qodobbada cusub.
Xubnaha Guddiga ayaa sidoo kale mas’uuliyiinta weydiiyey su’aalo la xiriira hindise-sharciyeedka, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan qodobbada u baahan dib-u-eegis iyo faahfaahin dheeraad ah.
Guddiga ayaa sheegay inuu sii wadi doono wadatashiyada, dib-u-eegista iyo falanqaynta hindise-sharciyeedka, si loo hubiyo in wax-ka-beddellada la soo jeediyey ay noqdaan kuwo dhammaystiran oo waafaqsan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo shuruucda dalka.
Marka dib-u-eegista hindise-sharciyeedka la soo gabagabeeyo, waxaa loo gudbin doonaa Akhrinta Labaad ee Golaha Shacabka, halkaas oo Xildhibaannadu ay ka dhiiban doonaan talooyinkooda, aragtiyahooda iyo wax-ku-darradooda ku aaddan sharciga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah wadatashiyada Golaha Shacabka uu ka sameynayo hindise-sharciyeedka wax-ka-beddelka Sharciga Bankiga Dhexe.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · economy · economy · guddiga · miisaaniyadda