Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo la kulmay Cabdisalaam Hadliye
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya… Sii akhri

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirisaaq Axmed Siciid, ayaa maanta qaabilay wafdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar oo booqasho ku jooga Puntland.
Intii uu kulanku socday waxaa la sheegay in looga hadlay horumarinta waxbarashada sare ee Puntland, kor u qaadidda tayada tacliinta, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo xarumaha tacliinta sare, si loo kobciyo aqoonta iyo horumarka bulshada.
Wafdiga Cabdisalaam Hadliye waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Puntland State University (PSU), Prof. Maxamuud Sheekh Xaamud. Ambassador Cabdisalaam Hadliye wuxuu Garoowe u yimid casuumaad uu ka helay Jaamacadda Puntland State University (PSU).
PUNTLAND POST
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Puntland Post
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.