Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), oo ka furmay dalka Tanzania
Waxa dhacay
80 ilbiriqsiGuddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo ka dhacay Arusha, Tanzania.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalalka iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada caalamka, ayaa ugu horreyn Dowladda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyey martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen wafuuda kala duwan ee shirka ka qeybgaleysa.
- Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay himilada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha Baarlamaan madax-bannaan, hufan, loo dhan yahay, shacabka u dhow, kaalin muhiim ahna ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.
- Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah, islamarkaana Doorashooyin deegaan oo toos ah ay ka dhaceen Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidoo kale Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, sidoo kalena geeddi-socodka doorashooyinka uu meelo kale ka sii socdo.
- Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa tilmaamay in mudnaan gaar ah la siiyo xoojinta hay’adaha, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka, islamarkaana Soomaaliya ay ka go’antahay in Baarlamaanku noqdo hay’ad ilaalisa danaha shacabka Soomaaliyeed, xoojisa kalsoonida hay’adaha Qaranka, dowladdana lagula xisaabtamo, taasi oo kaalin muuqata ka qaadan karta dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.
Sida ay sheegtay Hiiraanweyn
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xoojiyo Baarlamaanka Soomaaliya?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Nuur wuxuu xusay muhiimadda dhismaha Baarlamaan madax-bannaan oo hufan oo Soomaaliya ah qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.
- Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah.
- Shirweynaha IPU sanadkan diirada lagu saarayaa Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Talaado 6 Oct 2026 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Arusha ee dalka Tanzania.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo khudbaddiisa diiradda ku saaray arrimo muhiim u ah mustaqbalka dalalka iyo xoojinta iskaashiga baarlamaannada caalamka, ayaa ugu horreyn Dowladda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyey martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen wafuuda kala duwan ee shirka ka qeybgaleysa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa khudbadiisa kusoo bandhigay himilada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha Baarlamaan madax-bannaan, hufan, loo dhan yahay, shacabka u dhow, kaalin muhiim ahna ka qaata dowlad-dhiska, horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka.
Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah, islamarkaana Doorashooyin deegaan oo toos ah ay ka dhaceen Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo sidoo kale Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug, sidoo kalena geeddi-socodka doorashooyinka uu meelo kale ka sii socdo.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa tilmaamay in mudnaan gaar ah la siiyo xoojinta hay’adaha, wada-hadalka siyaasadeed iyo ka-qaybgalka shacabka, islamarkaana Soomaaliya ay ka go’antahay in Baarlamaanku noqdo hay’ad ilaalisa danaha shacabka Soomaaliyeed, xoojisa kalsoonida hay’adaha Qaranka, dowladdana lagula xisaabtamo, taasi oo kaalin muuqata ka qaadan karta dhismaha Soomaaliya nabdoon, horumarsan oo barwaaqo ah.
Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo ay ka qeyb galayaan madax iyo wakiillo ka socda baarlamaannada dalalka caalamka ayaa sanadkan diirada lagu saarayaa Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka, iyadoo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay, kalsooni iyo fursado loo siman yahay.
Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo ka dhacay Arusha, Tanzania.
Qodobada muhiimka ah
- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanada Adduunka (IPU) oo ka dhacay Arusha, Tanzania.
- Nuur wuxuu xusay muhiimadda dhismaha Baarlamaan madax-bannaan oo hufan oo Soomaaliya ah qayb ka ah geeddi-socodka dimuqraadiyadeed.
- Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay ku talaabsatay geeddi-socod dimuqraadiyadeed oo ay qayb muhiim ah ka yihiin doorashooyinka tooska ah.
- Shirweynaha IPU sanadkan diirada lagu saarayaa Horumarinta dowlad-wanaagga, iskaashiga baarlamaannada iyo awood-siinta bulshooyinka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan eedeymaha uu Nuur soo jeediyey.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka ku saabsan horumarka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.
- Maqaalku ma caddeynayo faahfaahinta khudbadda marka laga reebo mowduucyada la xusay.
Gunaanadka akhristaha
Khudbadda ayaa muujinaysa dadaallada socda ee Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta baarlamaanka.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin tallaabooyinka gaarka ah ee la qaadayo si loo xoojiyo Baarlamaanka Soomaaliya?
- Sidee ayay natiijooyinka Shirweynaha IPU u saameyn doonaan maamulka Soomaaliya?
- Maxay yihiin jawaabaha ka imaanaya dalalka kale ee ka qaybgalaya Shirweynaha IPU?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Hiiraanweyn
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · soomaaliya · aad · midowga
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo ka qeyb galay Furitaanka Shirweynaha 153-aad ee Midowga Baarlamaanka Adduunka
Goobjoog Somali
- Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho laga Daahfuray
Goobjoog Somali
- Soomaaliya oo sheegtay inay buuxisay shuruudihii lagu maalgashan lahaa
Goobjoog Somali