Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho laga Daahfuray
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiMadasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysaySaalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ammaanay kaalinta ay ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in ganacsatada ay door muhiim ah kasoo qaateen sidii dhaqaalaha Soomaaliya looga soo saari lahaa marxaladihii adkaa ee uu dalka soo maray.
- Madasha oo soconaysa laba maalmood, 5-ta iyo 6-da Oktoobar, waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
- Waxaa ka qeybgalaya ganacsato, maalgashadayaal, hay’ado maaliyadeed iyo mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo dalalka Yurub, waxaana kamid ah Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyo wufuud Yurub ah oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka madasha.
- Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo meelaha ay labada dhinac ka yeelan karaan iskaashi dhaqaale.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Fursadaha maalgashi ee gaarka ah ee laga hadlayo maxay yihiin?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madasha waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
- Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo meelaha ay labada dhinac ka yeelan karaan iskaashi dhaqaale.
- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda loo baahan yahay in loo beddelo fursado la taaban karo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub , oo looga hadlayo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya iyo dalalka Midowga Yurub.
Madasha oo soconaysa laba maalmood, 5-ta iyo 6-da Oktoobar, waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
Waxaa ka qeybgalaya ganacsato, maalgashadayaal, hay’ado maaliyadeed iyo mas’uuliyiin ka kala socda Soomaaliya iyo dalalka Yurub, waxaana kamid ah Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, László Eduárd Máthé, iyo wufuud Yurub ah oo Muqdisho u yimid ka qeybgalka madasha.
Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo meelaha ay labada dhinac ka yeelan karaan iskaashi dhaqaale.
Qaybaha mudnaanta la siinayo waxaa kamid ah wax-soo-saarka beeraha, xoolaha nool, kalluumaysiga, tamarta, dhaqaalaha dhijitaalka ah, tiknoolajiyadda, gaadiidka iyo saadka.
Madasha ayaa sidoo kale lagu qabanayaa dood-cilmiyeedyo ay ka qeybgalayaashu ku wadaagayaan aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan sidii loo horumarin lahaa ilaha wax-soo-saarka Soomaaliya, loo soo jiidan lahaa maalgashi cusub, loona abuuri lahaa jawi ganacsi oo fursado badan siinaya shirkadaha gudaha iyo kuwa caalamiga ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda loo baahan yahay in loo beddelo fursado la taaban karo oo lagu kobcinayo maalgashiga, wax-soo-saarka gudaha iyo shaqo-abuurka.
Waxa uu tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub uu gacan ka geysan karo kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo dakhliga ay helaan muwaadiniinta, iyadoo la xoojinayo doorka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ammaanay kaalinta ay ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in ganacsatada ay door muhiim ah kasoo qaateen sidii dhaqaalaha Soomaaliya looga soo saari lahaa marxaladihii adkaa ee uu dalka soo maray.
Wuxuu sheegay in marxaladda hadda la joogo ay ganacsatada Soomaaliyeed horyaallaan fursado ballaaran oo ay kaga qeyb qaadan karaan horumarinta wax-soo-saarka dalka, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub.
Madashan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay xoogga saarayso soo jiidashada maalgashiga gudaha iyo dibadda, horumarinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta xiriirka dhaqaale ee ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Kulanka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa fursad u ah ganacsatada iyo maalgashadayaasha labada dhinac inay isku bartaan, isla markaana ay ka wada hadlaan fursadaha ganacsi, caqabadaha jira iyo sidii loo abuuri lahaa iskaashi dhaqaale oo wax-ku-ool ah.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta xiriirka ganacsi iyo maalgashi. Madasha, oo ay qabanqaabiyeen Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub, ayaa socon doonta laba maalmood.
Qodobada muhiimka ah
- Madasha Ganacsiga iyo Maalgashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah looga daahfuray Muqdisho.
- Madasha waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo Ergada Midowga Yurub ee Soomaaliya.
- Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saarayaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo meelaha ay labada dhinac ka yeelan karaan iskaashi dhaqaale.
- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo hay’adaha dowladda loo baahan yahay in loo beddelo fursado la taaban karo.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Eedeymaha ku saabsan diiradda iyo qabanqaabada madasha waxay ku saleysan yihiin bayaanno rasmi ah.
- Wax xaqiijin madax-bannaan ah oo ku saabsan eedeymaha maqaalku soo bandhigay ma jiro.
Gunaanadka akhristaha
Madashan waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, iyadoo diiradda la saarayo fursadaha maalgashi.
Waxa weli aan caddayn
- Fursadaha maalgashi ee gaarka ah ee laga hadlayo maxay yihiin?
- Natiijooyinka madashan sidee loo cabbiri doonaa?
- Caqabadaha ay ka qaybgalayaashu arkaan maxay yihiin si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · muqdisho · soomaaliya · madasha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada