Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA EE BJFS OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA GUUD EE GOLAHA SHACABKA.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad kulankiisa 3-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudanee Cabdullahi Cumar
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulanka 3-aad ee kalfadhiga 8-aad yeeshay, waxaana shir guddoominayey Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).
Maxaa la shaaciyey
- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shahaado sharaf dhiiragelin ah guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Fiyoore.
- Xildhibaanada ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka sharciga dhismaha Hay’adda dakhliga Qaranka.
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa akhriyey warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka.
“Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiga ku shaqada leh labada hindise sharciyeed.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tani waxay muujinaysaa horumarka sharciyeed ee dalka iyo sida Golaha Shacabka u shaqeeyo.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad kulankiisa 3-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo uu wehliyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudanee Cabdullahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa shahaado sharaf dhiiragelin ah guddoonsiiyey Xildhibaan Maxamed Deeq Barre Fiyoore oo lagu abaalmariyey howlkarnimo ku aadan gudashada waajibaadkiisa shaqo oo ay ka mid tahay booqashada deegaan doorashadiisa iyo sidoo kale howlwadeeno ka tirsan golaha shacabka.
Intaasi ka dib, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka sharciga dhismaha Hay’adda dakhliga Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda maaliyadda, waxaana warbixinta akhrinta koowaad ee hindise Sharciyeedka Xildhibaanada u akhriyey wasiirka wasaaradda maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige.
Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyey Hindise sharciyeedka wax ka beddelka sharciga Bankiga dhexe ee Soomaaliya Soomaaliya sharci LR.30 ee soo baxay 20-kii April, sanadkii 2012.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.