Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Soo Xiray Tartanka Kubadda Koleyga General Daa’uud
Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda koleyga ee Wiish Stadium kaga qeyb galay ciyaarta kama dambaysta ah ee Tartanka…

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa garoonka kubadda koleyga ee Wiish Stadium kaga qeyb galay ciyaarta kama dambaysta ah ee Tartanka Kubadda Koleyga General Daa’uud, oo ay isaga horyimaadeen kooxaha Heegan iyo Dekadaha.
Ciyaar xiiso badan oo uu ka muuqday tartan adag, islamarkaana ay daawanayeen mas’uuliyiin iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa ugu dambeyn guushu ku raacday kooxda Dekadaha, taas oo ku guuleysatay tartanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda, ayaa labada kooxood ku ammaanay ciyaartii wanaagsaneyd iyo dadaalka ay muujiyeen. Waxa uu hambalyo u diray kooxda Dekadaha oo hanatay koobka, isagoo sidoo kale bogaadiyey kooxda Heegan oo kaalinta labaad gashay.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda uu isboortigu u leeyahay bulshada, gaar ahaan xoojinta isdhexgalka bulshada, nabadda iyo wadajirka, iyo sidoo kale wacyigelinta dhallinyarada. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa koobka guddoonsiiyey kooxda kubadda koleyga ee Dekadaha, halka uu sidoo kale bilado guddoonsiiyey ciyaartoyda labada kooxood ee Dekadaha iyo Heegan.
Garoonka ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirro, oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, xildhibaano, Maareeyaha Dekedda Muqdisho, saraakiil, bahda ciyaaraha iyo dadweyne ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir oo u soo daawasho tagay ciyaarta.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · tartanka · uud · golaha
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada