Daawo: Jubbaland oo digniin kasoo saartay xaaladda Gedo, kadib cabsi soo korortay
Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan cabsi laga qabo fatahaado mar kale ku dhufta deegaannada gobolkaas oo hoostaga Jubbaland.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Doolow (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Xuseen Alqaadi oo shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan cabsi laga qabo fatahaado mar kale ku dhufta deegaannada gobolkaas oo hoostaga Jubbaland.
Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in saadaasha la bixiyay ay muujineyso in gobolka uu kamid ah yahay meelaha sida wayn looga cabsi qabo inay ku dhuftaan fatahaadaha, ayna isa soo tarayaan digniinaha la bixinayo.
Al-qaadi ayaa shacabka gobolka Gedo ugu baaqay inay ka fogaadaan goobaha biyo fariisadka ah iyo hareeraha wabiga, si aysan usoo gaarin waxyeelo.
“Waxaan ugu baaqeynaa shacabka dhibaatooyinka laga cabsi qabo inay iska ilaaliyaan, kana fogaadaan meelaha laga fili karo fatahaadaha waxaan ku boorineynaa shacabka inay aadaan meelaha aysan biyaha gaari karin, si aysan waxyeelo usoo gaarin,” ayuu yiri Alqaadi.
Sidoo kale, wuxuu carrabka ku dhuftay in meelaha qaar roobabkii ka da’ay ay durbaba sababeen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.
“Hadda degmada Buurdhuubo roob ayaa ka da’ay xoolana waa ku dhamaadeen, guryihiina way saameeyeen, hal qofna waa ku dhintay marka waxaan rabnaa arrintaas inaan uga digno shacabka,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo.
Dhanka kale, wuxuu ku baaqay in dadka ay is caawiyaan, iskuna gurmadaan, haddii ay soo kororto xaalad culus oo ka dhalan karta roobabka la filayo inay ka da’aan gobolka.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in Jubbaland ay waddo dadaalo dheeraad ah, iyada oo kaashaneysa hay’adaha samafalka, si gurmad deg-deg ah loo sameeyo, haddii ay xaalad soo kororto
Horay waxaa Gedo marar bdan ugu dhuftay fatahaado xooggan oo burburiyay buundooyinkii muiimka ahaa ee gobolkaas, kuwaas oo illaa iyo hadda aan helin wax dib u dayactir ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · xaaladda · gedo · cabsi