Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka
Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulankii ugu horreeyey la qaadatay xubnaha guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhowaan la magacaabay, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xo
Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan la qaadatay guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halkaas oo Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed loo doortay guddoonka guddiga.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka waxaa ka qeyb galay Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
- Xubnaha guddiga ayaa hab gacan taag ah ku doortay guddoonka guddiga.
- Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dardaaran siisay guddoomiyaha cusub iyo xubnaha guddiga.
“Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga iyo xubnaha guddiga kula dardaarantay in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tani waxay muhiim u tahay akhristayaasha Soomaaliyeed maadaama ay muujinayso horumarka doorashada iyo habka maamulka Golaha Shacabka.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulankii ugu horreeyey la qaadatay xubnaha guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhowaan la magacaabay, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb galay Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Intaasi ka dib, xubnaha guddiga oo hab gacan taag ah ku doortay guddoonka guddiga ayaa guddoomiyaha guddiga u doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa guddoomiyaha cusub ee guddiga iyo xubnaha guddiga kula dardaarantay in ay si cadaalad ah uga shaqeeyaan una qaban qaabiyaan doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Somali National TV
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.