Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Soomaaliya Oo Ka Qaybgalay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika
NAIROBI – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta Khilaafaadka Beddelka ah (Alternative Dispute Resolution – ADR), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Shirkan heerka sare ah, ayaa waxaa isugu yim
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta Khilaafaadka Beddelka ah oo ka dhacay Nairobi.
Maxaa la shaaciyey
- Shirkan waxaa isugu yimid Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare iyo khubaro ka kala socday dalalka Afrika si ay uga wada hadlaan horumarinta nidaamyada caddaaladda.
- Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa si rasmi ah u furay madasha, isagoo adkeeyey muhiimadda hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka.
- Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa ka jeediyey aragtiyo ku saabsan horumarinta garsoorka Soomaaliya iyo iskaashiga garsoor ee Afrika.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Somali akhristayaasha waxay ka faa'iidaysan karaan in shirkan uu xoojinayo adeegyada garsoorka iyo caddaaladda Soomaaliya.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
NAIROBI – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qaybgalay Shirweynaha 2-aad ee Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika ee Xallinta Khilaafaadka Beddelka ah (Alternative Dispute Resolution – ADR), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Shirkan heerka sare ah, ayaa waxaa isugu yimid Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, madaxda hay’adaha garsoorka iyo khubaro ka kala socday dalalka Afrika, si ay uga wada hadlaan horumarinta nidaamyada caddaaladda, kor u qaadista adeegyada garsoorka iyo xoojinta adeegsiga hababka ADR-ka ee lagu xalliyo khilaafaadka.
Madasha ayaa si rasmi ah waxaa u furay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto, oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo hababka casriga ah ee xalinta khilaafaadka si loo dardargeliyo helitaanka caddaaladda, loo yareeyo culayska maxkamadaha, loona taageero horumarka waara ee qaaradda Afrika.
Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed ayaa kulammada shirweynaha ka jeediyey aragtiyo la xiriira horumarinta garsoorka Soomaaliya, kobcinta adeegyada caddaaladda iyo muhiimadda ay leedahay iskaashiga garsoor ee dalalka Afrika. Sidoo kale wuxuu la kulmay dhiggiisa dalalka kale si loo xoojiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga khibradaha la xiriira maamulka cadaaladda iyo adeegsiga ADR-ka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.