Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Shacabka Oo Xilka Ku Wareejiyey Siihayaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka
MUQDISHO – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Aadan Madoob
Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ku wareejiyey Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa si loogu wareejiyo xilka Guddoomiyaha.
- Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa si ku meel gaar ah u hayn doonta xilka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub.
- Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey xubnaha Golaha wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka hayey.
Macnaha guud
Xil wareejinta ayaa timid ka dib markii Sheekh Aadan Madoobe loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
“Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddoonka Golaha iyo guud ahaan Xildhibaannada Golaha Shacabka wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka guddoomiyenimada hayey.”
Sababta ay muhiim u tahay: Tani waxay muujinaysaa isbedelka hoggaamineed ee Golaha Shacabka iyo qorshaha mustaqbalka ee sharci-dejinta dalka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo dhowaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Aadan Madoobe ayaa si rasmi ah xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo kulanka ka hadlay ayaa si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hoggaamintii hufneyd iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta shaqada Golaha muddadii uu xilka hayey, waxaana uu tilmaamay in Aadan Madoobe uu door muhiim ah ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadista wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta nidaamka Golaha.
Dhankiisa, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddoonka Golaha iyo guud ahaan Xildhibaannada Golaha Shacabka wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka guddoomiyenimada hayey, Isagoo xusay in guulaha la gaaray ay ahaayeen kuwo ku yimid iskaashi, wadajir iyo dadaal ay si wadajir ah u muujiyeen dhammaan xubnaha Golaha.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.