Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hantidhowraha Guud ee JFS oo Kulan la Qaatay Wakiillo ka Socday Shirkadda Albayrak-Somalia
Muqdisho, Soomaaliya – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia, oo maamusha Dekedda Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka
Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Albayrak-Somalia si loo xoojiyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka maamulka Dekedda Muqdisho.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta iyo waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka Dekedda Muqdisho.
- Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda.
- Xafiiska Hantidhowrka Guud ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda dadaallada lagu horumarinayo daahfurnaanta iyo maamulka maaliyadeed.
“Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay ka faa'iidaysan doonaan in la xoojiyo daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka maaliyadeed, taasoo muhiim u ah maamulka dalka.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Muqdisho, Soomaaliya – Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta kulan la qaatay wakiillo ka socday Shirkadda Mogadishu Al-Port Corp. Albayrak-Somalia, oo maamusha Dekedda Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta daahfurnaanta, isla-xisaabtanka iyo u hoggaansanaanta waajibaadka maaliyadeed ee la xiriira heshiiska maamulka Dekedda Muqdisho, iyadoo la isla eegay hababka lagu horumarin karo wada-shaqeynta iyo kor u qaadista hufnaanta maamulka dakhliga.
Hantidhowraha Guud ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in warbixinnada maaliyadeed ee la baaray lagu soo gudbiyo waqtigooda, si loo xoojiyo dabagalka, hubinta dakhliga dowladda iyo ilaalinta habraacyada maamul wanaagga.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay si dhow uga wada shaqeeyaan xaqiijinta isla-xisaabtan iyo maamul maaliyadeed oo waafaqsan shuruucda iyo xeerarka dalka.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.