Hay’adda Duulista Hawada oo Beenisay Wararka Lagu Sheegay in Garoonka Aadan Cadde La Xirayo
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiHay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay warar sheegaya in Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde la xirayo maalmaha soo socda sababo la xiriira wafdiyo iyo madax sare oo kusoo wajahan Muqdisho.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Wararka la faafiyay ayaa lagu sheegay in labada maalmood ee soo socda la joojin doono duulimaadyada ka baxaya iyo kuwa kusoo degaya Garoonka Aadan Cadde, iyadoo tallaabadaasi lagu xiriiriyay imaanshaha madax iyo wafdiyo sare oo dalka kusoo wajahan.
- Sidoo kale, wararkaasi ayaa sheegayay in qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho lagu soo rogi doono bandow ama xayiraado la xiriira dhaqdhaqaaqa madaxdaasi.
- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa si cad u beenisay dhammaan wararkaasi, iyadoo sheegtay in wax isbeddel ah uusan ku imaan howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
- Hay’addu waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee imaanayay kana bixi jiray garoonka ay sidii caadiga ahayd u shaqeyn doonaan, isla markaana aysan jirin qorshe lagu xirayo garoonka maalmaha soo socda.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay wafdiyada gaarka ah ee la filayo inay yimaadaan Muqdisho?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- SCAA ayaa sheegtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee imaanayay kana bixi jiray garoonka ay sidii caadiga ahayd u shaqeyn doonaan.
- Hay’addu waxay shacabka ugu baaqday inay iska hubiyaan xogta la xiriirta duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho — Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in maalmaha soo socda la xiri doono Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, sababo la xiriira wafdiyo iyo madax sare oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.
Wararka la faafiyay ayaa lagu sheegay in labada maalmood ee soo socda la joojin doono duulimaadyada ka baxaya iyo kuwa kusoo degaya Garoonka Aadan Cadde, iyadoo tallaabadaasi lagu xiriiriyay imaanshaha madax iyo wafdiyo sare oo dalka kusoo wajahan.
Sidoo kale, wararkaasi ayaa sheegayay in qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho lagu soo rogi doono bandow ama xayiraado la xiriira dhaqdhaqaaqa madaxdaasi.
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa si cad u beenisay dhammaan wararkaasi, iyadoo sheegtay in wax isbeddel ah uusan ku imaan howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.
Hay’addu waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee imaanayay kana bixi jiray garoonka ay sidii caadiga ahayd u shaqeyn doonaan, isla markaana aysan jirin qorshe lagu xirayo garoonka maalmaha soo socda.
SCAA ayaa shacabka ugu baaqday inay iska hubiyaan xogta la xiriirta duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka, ayna wararka rasmiga ah ka raadiyaan oo keliya baraha rasmiga ah ee hay’adaha ay khuseyso.
Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadan ay muhiim u tahay in bulshada laga ilaaliyo wararka aan la xaqiijin ee abuuri kara jahawareer ku saabsan howlaha duulimaadyada iyo isu-socodka rakaabka.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay warar sheegaya in Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde la xirayo maalmaha soo socda sababo la xiriira wafdiyo iyo madax sare oo kusoo wajahan Muqdisho.
Qodobada muhiimka ah
- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay warar sheegaya in Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde la xirayo maalmaha soo socda sababo la xiriira wafdiyo iyo madax sare oo kusoo wajahan Muqdisho.
- SCAA ayaa sheegtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee imaanayay kana bixi jiray garoonka ay sidii caadiga ahayd u shaqeyn doonaan.
- Hay’addu waxay shacabka ugu baaqday inay iska hubiyaan xogta la xiriirta duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay kaliya bayaannada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedaha ay SCAA soo jeedisay.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada laga yaabo inay wararka faafiyaan.
Gunaanadka akhristaha
Akhristayaasha waa inay ka feejignaadaan macluumaadka aan la xaqiijin ee ku saabsan howlaha garoonka waxayna ku tiirsan yihiin ilo rasmi ah si ay u helaan warar cusub.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay wafdiyada gaarka ah ee la filayo inay yimaadaan Muqdisho?
- Ma jiraan qorshayaal amni oo ku saabsan garoonka oo aan la shaacin?
- Sidee SCAA u qorsheynaysaa inay wax ka qabato walaacyada bulshada ee ku saabsan wararka aan la xaqiijin?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · cadde · adda · beenisay
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada