Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo Nairobi ku Soo Bandhigtay Qorshe Lagu Taageerayo Dadka Soo Laabtay
Waxa dhacay
Hal il · Shabelle Media
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Nairobi ku soo bandhigtay qorshe istaraatiijiyadeed oo saddex sano ah oo diiradda saaraya taageerada dadka Soomaaliyeed ee soo laabtay iyo qoysaska barakacayaasha ah.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayQorshahan ayaa ah mid ka tarjumaya dadaallada Hay’addu ugu jirto sidii dadka soo laabtay iyo barakacayaasha looga gudbin lahaa xaaladaha nuglaanta, looguna abuuri lahaa fursado ay dib ugu dhistaan noloshooda, iyagoo helaya adeegyo aasaasi ah, fursado shaqo, daryeel caafimaad iyo hoy ku habboon.
- Cidda ay saamaysayGuddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo shir-guddoomiyay madasha, ayaa ka qeybgalayaasha u soo bandhigay qorshaha saddexda sano ee Hay’adda, isaga oo sharraxay mudnaanta iyo jihada ay Hay’addu u qaadday xoojinta ilaalinta, taageerada iyo dib-u-dhexgalka bulshada ee dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
- Kulanka waxaa ka qeybgalay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Muwaadiniinta, Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya,Wakiilo ka socday Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Jarmalka (GIZ),deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada dhakhaatiirta, Rugta Ganacsiga iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah hirgelinta qorshahan.
- Cidda ay saamaysayKa qeybgalayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa bogaadiyay qorshaha ay soo bandhigtay Hay’adda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo nolosha dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku wuxuu faahfaahinayaa hindisaha istaraatiijiyadeed ee lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed ee soo laabtay iyo barakacayaasha, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xasilloonida iyo horumarka bulshada.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin adeegyada gaarka ah ee lagu bixin doono qorshahan?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Hay’adda waxay qorsheyneysaa inay bixiso adeegyo aasaasi ah, fursado shaqo, daryeel caafimaad iyo hoy ku habboon dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
- Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa adkeeyay baahida loo qabo fursado dhaqaale oo waara halkii laga koobnaan lahaa gargaar degdeg ah dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
NAIROBI, KENYA – Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo bandhigtay qorshe istaraatiijiyadeed oo saddex sano ah, kaas oo diiradda saaraya sidii xalal waara loogu heli lahaa caqabadaha haysta dadka Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda hooyo iyo qoysaska barakacayaasha ah.
Qorshahan ayaa ah mid ka tarjumaya dadaallada Hay’addu ugu jirto sidii dadka soo laabtay iyo barakacayaasha looga gudbin lahaa xaaladaha nuglaanta, looguna abuuri lahaa fursado ay dib ugu dhistaan noloshooda, iyagoo helaya adeegyo aasaasi ah, fursado shaqo, daryeel caafimaad iyo hoy ku habboon.
Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Liibaan Cabdi Cigaal, oo shir-guddoomiyay madasha, ayaa ka qeybgalayaasha u soo bandhigay qorshaha saddexda sano ee Hay’adda, isaga oo sharraxay mudnaanta iyo jihada ay Hay’addu u qaadday xoojinta ilaalinta, taageerada iyo dib-u-dhexgalka bulshada ee dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
Kulanka waxaa ka qeybgalay La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Muwaadiniinta, Safiirka Sweden u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya,Wakiilo ka socday Midowga Yurub, Hay’adda Iskaashiga Horumarinta ee Jarmalka (GIZ),deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi, masuuliyiin ka socday hay’adaha dowladda, ururrada bulshada rayidka ah, ururrada dhakhaatiirta, Rugta Ganacsiga iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah hirgelinta qorshahan.
Ka qeybgalayaasha iyo deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa bogaadiyay qorshaha ay soo bandhigtay Hay’adda, iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo taageerada dadaallada lagu horumarinayo nolosha dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal oo kulanka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha iyo himilooyinka ay Hay’addu hiigsanayso, isaga oo xusay in mudnaanta koowaad ay tahay in dadka soo laabtay iyo barakacayaasha aan lagu koobnaan gargaar degdeg ah, balse loo abuuro fursado dhaqaale, shaqooyin, adeegyo caafimaad iyo hoy u suurtageliya inay nolol cusub bilaabaan.
Hay’addu waxay sidoo kale xoogga saaraysaa xoojinta iskaashiga dowladda, deeq-bixiyeyaasha iyo bahwadaagta caalamiga ah, si loo helo taageero isku-duuban oo horseedda xalal waara, isla markaana yareeya nuglaanta iyo barakaca soo noqnoqda.
Qorshahan ayaa qayb ka ah dadaallada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee ku aaddan gudashada waajibaadkeeda qaran, ilaalinta xuquuqda dadka ay u adeegto iyo xaqiijinta in dadka Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalkooda iyo kuwa barakacayaasha ah ay helaan fursad ay ku noolaadaan nolol sharaf iyo karaamo leh.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Nairobi ku soo bandhigtay qorshe istaraatiijiyadeed oo saddex sano ah oo diiradda saaraya taageerada dadka Soomaaliyeed ee soo laabtay iyo qoysaska barakacayaasha ah. Qorshahan ayaa ah mid ka tarjumaya sidii loo siin lahaa adeegyo aasaasi ah, fursado shaqo, daryeel caafimaad iyo hoy ku habboon dadkaas.
Qodobada muhiimka ah
- Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa magaalada Nairobi ku soo bandhigtay qorshe istaraatiijiyadeed oo saddex sano ah oo diiradda saaraya taageerada dadka Soomaaliyeed ee soo laabtay iyo qoysaska barakacayaasha ah.
- Hay’adda waxay qorsheyneysaa inay bixiso adeegyo aasaasi ah, fursado shaqo, daryeel caafimaad iyo hoy ku habboon dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
- Guddoomiye Liibaan Cabdi Cigaal ayaa adkeeyay baahida loo qabo fursado dhaqaale oo waara halkii laga koobnaan lahaa gargaar degdeg ah dadka soo laabtay iyo barakacayaasha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada kale ee ku saabsan qorshahan.
- Ma jiraan xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan waxtarka ama ilaha maalgelinta qorshahan.
- Maqaalku ma cayimin tirada saxda ah ee dadka la filayo inay ka faa'iidaystaan qorshahan.
Gunaanadka akhristaha
Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxay diiradda saareysaa taageero waara oo loogu talagalay dadka soo laabtay iyo barakacayaasha Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin adeegyada gaarka ah ee lagu bixin doono qorshahan?
- Sidee ayay hay’adda u cabbiri doontaa guusha qorshahan istaraatiijiyadeed?
- Waa maxay ilaha maalgelinta ee loogu talagalay hindisyadan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku wuxuu faahfaahinayaa hindisaha istaraatiijiyadeed ee lagu horumarinayo nolosha dadka Soomaaliyeed ee soo laabtay iyo barakacayaasha, taasoo saameyn weyn ku yeelan karta xasilloonida iyo horumarka bulshada.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qorshe · adda · dadka