HIQ oo daahfurtay ereybixin amniga saaybarka ee Af-Soomaaliga
HIQ oo daahfurtay ereybixin amniga saaybarka Muqdisho, 1 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta xarunta AGA ku daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada casriga ah ee la xiriira ilaalinta dhijita
Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
HIQ oo daahfurtay ereybixin amniga saaybarka
Muqdisho, 1 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka & Suugaanta iyo Akademiye Goboleedka Af Soomaaliga (AGA), ayaa maanta xarunta AGA ku daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga, taas oo ujeeddadeedu tahay horumarinta iyo mideynta ereyada casriga ah ee la xiriira ilaalinta dhijitaalka ah.
Daahfurkani wuxuu muhiimad weyn u leeyahay Soomaaliya, iyadoo adeegsiga tiknoolajiyadda uu sii kordhayo, laakiin aan lahayn erey-bixin rasmi ah oo Af-Soomaali ah oo looga hadlo hanjabaadaha saaybarka, xogta shakhsiyeed, iyo difaaca nidaamyada. Tallaabadani waxay ka caawin doontaa ardayda, waalidiinta, hay’adaha dowladda iyo bulshada guud ahaan inay si fudud u fahmaan khataraha dhijitaalka ah.
“Afku waa hoyga aqoonta. Haddii afkeenna aanu la jaanqaadi karin horumarka teknoolojiyadda casriga ah, waxaa adkaanaysa in bulshada si buuxda uga faa’iidaysato isbeddellada cusub,” ayuu yiri Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Akademiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta, Mudane Cabdifitaax Axmed Abuukar (Foodcade). “Ereybixintani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu kobcinayo Af-Soomaaliga iyo tayeynta adeegyada dowladda.”
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Radio Dalsan
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan