Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo kula kulmay masuuliyiin sare oo ka socday Qaramada Midoobay
BAYDHABO, Juun 23 – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Talaadadii magaalada Baydhabo kula kulmay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, iyadoo wada-hadallada ay diiradda saareen xaaladda siyaasadeed, dowlad-dhisidda iyo xasilloonida gobolka. Wafdiga Qaramada Midoobay waxaa hoggaaminayay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabi
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Baydhabo kula kulmay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay si ay uga wada hadlaan xaaladda siyaasadeed iyo xasilloonida gobolka.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo maamulka Koonfur Galbeed.
- Mas'uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga go'an tahay sii wadista taageerada ay siinayaan maamulka Koonfur Galbeed.
- Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorka ay ku leedahay taageerada Soomaaliya.
“Mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siinayaan maamulka.”
Sababta ay muhiim u tahay: Waa muhiim in akhristayaasha Soomaaliyeed ay ogaadaan dadaallada lagu xoojinayo xasilloonida iyo dowlad-dhisidda Koonfur Galbeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
BAYDHABO, Juun 23 – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Talaadadii magaalada Baydhabo kula kulmay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay, iyadoo wada-hadallada ay diiradda saareen xaaladda siyaasadeed, dowlad-dhisidda iyo xasilloonida gobolka.
Wafdiga Qaramada Midoobay waxaa hoggaaminayay Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Vikram Parekh, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee hay’addaasi u qaabilsan Dowladda Koonfur Galbeed, Morgan Dube.
Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed, kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee Baydhabo waxaa sidoo kale ka qeyb galay Agaasimaha Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, iyadoo laga wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhisidda iyo sidii loo xoojin lahaa xasilloonida guud ee deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.