Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka
Warka oo kooban
60 ilbiriqsiHoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Baydhabo.
Qodobbada muhiimka ah
- Madasha oo ay ka qeybgalayaan wasiirro, xildhibaano iyo guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hagaajinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.
- Intii ay madashu socotay, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
- Sidoo kale, waxaa laga dooday arrimaha dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah.
- Madashan sanadlaha ah ayaa sidoo kale fursad u ah guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka inay isku dhaafsadaan khibradaha iyo talooyinka la xiriira maamulka, si loo xoojiyo dowladnimada hoose loona horumariyo adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka Koonfur Galbeed.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Sababta ay muhiim u tahay
- Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka ama go'aannada gaarka ah ee lagu gaaray madasha?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Madasha oo ay ka qeybgalayaan wasiirro, xildhibaano iyo guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hagaajinta wada-shaqeynta h
- Intii ay madashu socotay, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amn
- Madashan sanadlaha ah ayaa sidoo kale lagu soo qaaday u-diyaargarowga saameynta roobabka iyo fatahaadaha la xiriira El Niño, iyadoo laga hadlay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, taas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Madasha oo ay ka qeybgalayaan wasiirro, xildhibaano iyo guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hagaajinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.
Intii ay madashu socotay, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaa laga dooday arrimaha dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Ka qeybgalayaashu waxay sidoo kale isla eegeen sidii dowladaha hoose loogu xoojin lahaa awoodda maamul iyo ilaha dhaqaale ee ay ugu baahan yihiin gudashada waajibaadkooda ku aaddan bulshada.
Madasha ayaa sidoo kale lagu soo qaaday u-diyaargarowga saameynta roobabka iyo fatahaadaha la xiriira El Niño, iyadoo laga hadlay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha, diyaarinta gurmadka degdegga ah iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan shacabka, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada nugul.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, si hufan ugu adeegaan bulshada, isla markaana mudnaanta siiyaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo u-diyaargarowga xaaladaha bani’aadannimo iyo kuwa dabiiciga ah.
Madashan sanadlaha ah ayaa sidoo kale fursad u ah guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka inay isku dhaafsadaan khibradaha iyo talooyinka la xiriira maamulka, si loo xoojiyo dowladnimada hoose loona horumariyo adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka Koonfur Galbeed.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Baydhabo. Madasha ayaa diiradda saartay xoojinta maamulka iyo adeegyada bulshada.
Qodobada muhiimka ah
- Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Baydhabo.
- Madasha oo ay ka qeybgalayaan wasiirro, xildhibaano iyo guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hagaajinta wada-shaqeynta h
- Intii ay madashu socotay, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amn
- Madashan sanadlaha ah ayaa sidoo kale lagu soo qaaday u-diyaargarowga saameynta roobabka iyo fatahaadaha la xiriira El Niño, iyadoo laga hadlay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan sheegashooyinka la sameeyay.
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay bayaanada rasmiga ah iyada oo aan la helin xaqiijin dibadda ah.
Gunaanadka akhristaha
Madasha sanadlaha ah waxay ujeedadeedu tahay in lagu xalliyo arrimaha maamulka iyo amniga ee Koonfur Galbeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin natiijooyinka ama go'aannada gaarka ah ee lagu gaaray madasha?
- Sidee loo hirgelin doonaa istaraatiijiyadii la falanqeeyay?
- Maxay yihiin tallaabooyinka lagu hubinayo mas'uuliyadda arrimaha la taabanayo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · furay · galbeed · koonfur
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Soomaaliya oo ka qayb-gashay kulan soo dhaweyn ah oo Madaxweyne Putin u sameeyey madaxda Madasha Dhaqamada
Goobjoog Somali
- Daawo: Jubbaland oo digniin kasoo saartay xaaladda Gedo, kadib cabsi soo korortay
Caasimada Online
- 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐡𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐤𝐮 𝐛𝐨𝐠𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐧𝐚𝐛𝐚𝐝𝐠𝐚𝐥𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚
Goobjoog Somali