Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.
Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Oo Muqdisho Kula Kulmay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya
MUQDISHO – Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shi
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha Danjire Wang Yu si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Maxaa la shaaciyey
- Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
- Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Shiinaha.
- Danjire Wang Yu ayaa muujiyey diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda mashaariicda horumarineed ee Koonfur Galbeed.
“Dowladda Shiinaha waxay ka go'an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya.”
Sababta ay muhiim u tahay: Akhristayaasha Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin inay ogaadaan dadaallada xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.

Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Asalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
MUQDISHO – Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu hormarinayo deeganda Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Shiinaha ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha.
Danjire Wang Yu ayaa ugu hambaliyeyey Madaxweyne Sheekh Aadan Madoobe doorashadii lagu doortay isagoona dhankiisa xaqiijiyey sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo muujiyey diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ka hirgelaya deegaannada Koonfur Galbeed.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
La socodsii
Warka ku hel sanduuqaaga. Macluumaad muhiim ah oo kaliya.