INTERPOL oo diiwaangelisay 34 qof oo looga shakisan yahay falal argagixiso magaalada Boosaaso
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiINTERPOL ayaa diiwaangelisay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dambiyo la xiriira argagixisada magaalada Boosaaso.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday INTERPOL, Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray horumarinta adeegsiga xogta aqoonsiga qofka ee laga helo faraha iyo xoojinta wadaagga xogaha sirdoonka.
- Intii uu howlgalka socday, khabiir ka tirsan INTERPOL oo ku takhasusay baaritaanka faraha ayaa saraakiisha Soomaaliyeed siiyey tababar ku saabsan adeegsiga qalab casri ah oo lagu ururiyo, lagu aqoonsado, laguna farsameeyo xogta faraha dadka looga shakiyo dambiyada.
- Tababarka kaddib, saraakiisha ayaa booqday laba xarumood oo lagu hayo maxaabiista, halkaas oo ay ku sameeyeen layliyo la xiriira ururinta xogta faraha iyo ballaarinta diiwaannada baaritaannada dembiyada.
- INTERPOL ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay gacan ka geysanayaan isku xirka xogaha amniga ee dalalka kala duwan, si hay’adaha sharciga u fuliya ay si wanaagsan ugu aqoonsadaan dadka looga shakisan yahay dambiyada, ugana taageeraan baaritaannada la xiriira argagixisada.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee keenay diiwaangelinta dadkaas?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday INTERPOL, Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
- Khabiiro ka tirsan INTERPOL ayaa saraakiisha Soomaaliyeed siiyey tababar ku saabsan adeegsiga qalab casri ah oo lagu ururiyo, lagu aqoonsado, laguna farsameeyo xogta faraha dadka looga shakiyo dambiyada.
- Howlgalku sidoo kale wuxuu ka koobnaa taageero farsamo oo la siiyey saraakiisha Soomaaliyeed ee diyaarinaya baaritaanka markabka MT Honour 25.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee INTERPOL ayaa magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland ka diiwaangelisay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dambiyo la xiriira argagixisada, intii uu socday howlgal lagu xoojinayo baaritaannada dembiyada iyo ururinta caddeymaha faraha.
Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday INTERPOL, Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, iyadoo diiradda la saaray horumarinta adeegsiga xogta aqoonsiga qofka ee laga helo faraha iyo xoojinta wadaagga xogaha sirdoonka.
Intii uu howlgalka socday, khabiir ka tirsan INTERPOL oo ku takhasusay baaritaanka faraha ayaa saraakiisha Soomaaliyeed siiyey tababar ku saabsan adeegsiga qalab casri ah oo lagu ururiyo, lagu aqoonsado, laguna farsameeyo xogta faraha dadka looga shakiyo dambiyada.
Tababarka kaddib, saraakiisha ayaa booqday laba xarumood oo lagu hayo maxaabiista, halkaas oo ay ku sameeyeen layliyo la xiriira ururinta xogta faraha iyo ballaarinta diiwaannada baaritaannada dembiyada.
INTERPOL ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay gacan ka geysanayaan isku xirka xogaha amniga ee dalalka kala duwan, si hay’adaha sharciga u fuliya ay si wanaagsan ugu aqoonsadaan dadka looga shakisan yahay dambiyada, ugana taageeraan baaritaannada la xiriira argagixisada.
Howlgalku sidoo kale wuxuu ka koobnaa taageero farsamo oo la siiyey saraakiisha Soomaaliyeed ee diyaarinaya baaritaanka markabka MT Honour 25, kaas oo horay loogu afduubtay weerar burcad-badeednimo.
INTERPOL ayaa saraakiisha siisay tilmaamo ku saabsan sida habboon ee loo baakadeeyo loona sugo caddeymaha laga soo ururinayo markabka, ka hor inta aan loo gudbin shaybaar baaritaan dambiyeed, si loo baaro faraha laga yaabo inay caddeyn muhiim ah noqdaan.
Arrintan ayaa muujinaysa doorka ay caddeymaha farsamo ee baaritaanka dembiyadu ku leeyihiin la dagaallanka burcad-badeednimada iyo dambiyada ka gudba xuduudaha, gaar ahaan xeebaha Soomaaliya oo ay weli ka jiraan walaacyo la xiriira amniga badda.
Howlgalkan ka dhacay Boosaaso ayaa qayb ka ah iskaashiga ballaaran ee INTERPOL iyo hay’adaha amniga Soomaaliya, kaas oo lagu xoojinayo awoodda baaritaanka dembiyada, wadaagga xogaha sirdoonka iyo la dagaallanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- INTERPOL ayaa diiwaangelisay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dambiyo la xiriira argagixisada magaalada Boosaaso. Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday INTERPOL, Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF), iyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
Qodobada muhiimka ah
- INTERPOL ayaa diiwaangelisay 34 qof oo looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin dambiyo la xiriira argagixisada magaalada Boosaaso.
- Howlgalkan ayaa waxaa iska kaashaday INTERPOL, Ciidanka Booliska Badda Puntland (PMPF) iyo hay’adaha amniga Soomaaliya.
- Khabiiro ka tirsan INTERPOL ayaa saraakiisha Soomaaliyeed siiyey tababar ku saabsan adeegsiga qalab casri ah oo lagu ururiyo, lagu aqoonsado, laguna farsameeyo xogta faraha dadka looga shakiyo dambiyada.
- Howlgalku sidoo kale wuxuu ka koobnaa taageero farsamo oo la siiyey saraakiisha Soomaaliyeed ee diyaarinaya baaritaanka markabka MT Honour 25.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid dhinacyada la eedeeyay ama la dhaleeceeyay.
- Eedeymaha ku saabsan tirada dadka la diiwaangeliyay iyo faahfaahinta howlgalka waxay ku saleysan yihiin kaliya bayaannada INTERPOL.
- Xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha lagu sheegay maqaalka laguma bixin.
Gunaanadka akhristaha
Diiwaangelinta dadka looga shakisan yahay ee INTERPOL waxay muujinaysaa dadaallada socda ee lagu la dagaallamayo argagixisada Soomaaliya.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin caddeymaha gaarka ah ee keenay diiwaangelinta dadkaas?
- Sidee loo sii wadi doonaa iskaashiga u dhexeeya INTERPOL iyo hay'adaha Soomaaliyeed mustaqbalka?
- Maxay yihiin talaabooyinka xiga ka dib tababarka la siiyay saraakiisha Soomaaliyeed?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · interpol · magaalada · looga