Isbaheysiga Haybad Qaran iyo Xaqsoor oo xilkii ka qaaday Cumar Cabdirisaaq
Warka oo kooban
40 ilbiriqsiMuqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Danjire Cabdiraxmaan Caynte ayaa Cumar Cabdirisaaq Xuseen ka qaaday xilka Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga.
Qodobbada muhiimka ah
- Cumar Cabdirisaaq ayaa sidoo kale laga qaaday xubinnimadii Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga, sida lagu sheegay go’aanka kasoo baxay hoggaanka isbaheysiga.
- Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Anshaxa ee Isbaheysiga uu sheegay in Cumar Cabdirisaaq lagu helay inuu ku xadgudbay xeerarka iyo anshaxa u degsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga.
- Isbaheysiga ayaan si faahfaahsan u shaacin xeerarka iyo qodobbada anshax ee uu ku xadgudbay Cumar Cabdirisaaq Xuseen, kuwaas oo sababay in tallaabada laga qaado.
- Go’aanka xil-ka-qaadista ayaa sidoo kale meesha ka saaray doorkii uu Cumar Cabdirisaaq ku lahaa Golaha Sare ee Siyaasadda, kadib markii laga qaaday xubinnimadii uu ku lahaa golahaasi.
Sida ay sheegtay Caasimada Online

Qodobbada warbixinta
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran, Danjire Cabdiraxmaan Caynte ayaa Cumar Cabdirisaaq Xuseen ka qaaday xilka Xoghayaha Guud ee Isbaheysiga.
Cumar Cabdirisaaq ayaa sidoo kale laga qaaday xubinnimadii Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga, sida lagu sheegay go’aanka kasoo baxay hoggaanka isbaheysiga.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii Guddiga Anshaxa ee Isbaheysiga uu sheegay in Cumar Cabdirisaaq lagu helay inuu ku xadgudbay xeerarka iyo anshaxa u degsan Golaha Sare ee Siyaasadda ee Isbaheysiga.
Isbaheysiga ayaan si faahfaahsan u shaacin xeerarka iyo qodobbada anshax ee uu ku xadgudbay Cumar Cabdirisaaq Xuseen, kuwaas oo sababay in tallaabada laga qaado.
Go’aanka xil-ka-qaadista ayaa sidoo kale meesha ka saaray doorkii uu Cumar Cabdirisaaq ku lahaa Golaha Sare ee Siyaasadda, kadib markii laga qaaday xubinnimadii uu ku lahaa golahaasi.
Isbahaysiga Xisbiyada Haybad Qaran iyo Xaqsoor ayaa 23-ka Abriil 2026 ku dhawaaqay inay isku biireen, isla markaana ay sameysteen isbahaysi siyaasadeed.
Isbaheysiga Xaqsoor iyo Haybad Qaran ayaa markaas sheegay in loo aasaasay xoojinta caddaaladda dalka iyo dib u soo celinta haybadda iyo sharafta qaranka, iyadoo labada dhinac ay mideeyeen awooddooda siyaasadeed.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · qaran · qaaday · cumar
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada