Itoobiya oo qorshaynaysa in ay Soomaaliya kala baxdo kumannaan askari
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiItoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari sababo la xiriira cadaadis ka imaanaya dagaallada socda ee waqooyiga Itoobiya, sida ay sheegtay Bloomberg.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo Bloomberg ay soo xigatay, ciidamada Itoobiya ayaa laga yaabaa inay Soomaaliya ka bilaabaan bixitaanka maalmaha ama toddobaadyada soo socda.
- Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho aysan Itoobiya ka helin wax ogeysiis ah oo ku saabsan qorshe ciidamo looga saarayo Soomaaliya.
- “Itoobiya nama soo gaarsiinin wax qorshe ah oo ku saabsan inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.
- Weli ma cadda in qorshaha la sheegay uu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada Itoobiya ee ku jooga heshiisyo laba geesood ah, ama labada qayboodba.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay waqtiga gaarka ah ee Itoobiya ay ka fikirayso bixitaanka?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari sababo la xiriira cadaadis ka imaanaya dagaallada socda ee waqooyiga Itoobiya.
- Dowladda Soomaaliya ma aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan qorshe ciidamo looga saarayo Soomaaliya.
- Weli ma cadda in qorshaha la sheegay uu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada Itoobiya ee ku jooga heshiisyo laba geesood ah, ama labada qayboodba.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
MUQDISHO, Soomaaliya — Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari, iyadoo dagaallada ka socda waqooyiga dalkaasi ay cadaadis ku saarayaan ciidamadeeda, sida ay sheegtay Bloomberg, inkastoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in aan loo soo gudbin wax ogeysiis rasmi ah.
Sida laga soo xigtay ilo xog-ogaal ah oo Bloomberg ay soo xigatay, ciidamada Itoobiya ayaa laga yaabaa inay Soomaaliya ka bilaabaan bixitaanka maalmaha ama toddobaadyada soo socda. Ilahaasi ayaa sheegay in qorshuhu aanu weli si rasmi ah loo shaacin.
Mas’uul ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho aysan Itoobiya ka helin wax ogeysiis ah oo ku saabsan qorshe ciidamo looga saarayo Soomaaliya.
“Itoobiya nama soo gaarsiinin wax qorshe ah oo ku saabsan inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya. Haddii ay sidaas noo sheegaan, waan idinla socodsiin doonaa,” ayuu mas’uulkaasi sheegay.
Weli ma cadda in qorshaha la sheegay uu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada Itoobiya ee ku jooga heshiisyo laba geesood ah, ama labada qayboodba.
Itoobiya waxay Soomaaliya ka joogtaa kumannaan askari, iyadoo qayb ka mid ah ciidamadeeda ay ku howlgalaan AUSSOM, halka kuwo kalena ay ku sugan yihiin gobollo ka tirsan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ciidamada Itoobiya ayaa muddo dheer kaalin ka qaatay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo sugidda amniga deegaanno ku dhow xadka labada dal.
Warbixinta Bloomberg ayaa soo baxday xilli Itoobiya ay wajahayo dagaallo cusub oo ka socda waqooyiga dalka, gaar ahaan gobolka Tigray, halkaas oo ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray ay mar kale isku dhaceen. Dagaallada ayaa dib u soo cusboonaaday afar sano kadib heshiiskii Pretoria ee 2022 ee soo afjaray dagaalkii labada sano socday.
Xiisadda ayaa sii korortay kadib markii TPLF iyo kooxo kale oo hubeysan ay sameeyeen isbahaysi ka dhan ah dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Wararka laga helayo Itoobiya ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalladu ku fideen qaybo ka mid ah gobollada Tigray, Amhara iyo Afar.
Haddii qorshaha ka bixitaanka Itoobiya uu hirgalo, waxaa soo baxaya su’aalo ku saabsan cidda buuxin doonta saldhigyada iyo goobaha ay ciidamada Itoobiya ka baxaan, gaar ahaan meelaha ay ciidamadaasi muddo dheer ka howlgaleen.
Arrintan ayaa sidoo kale imaanaysa wax yar kadib kulan ay Addis Ababa ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed. Labada dhinac waxay ka wada hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha siyaasadda iyo amniga ee gobolka Geeska Afrika, balse ma jirin war rasmi ah oo sheegayay in kulanka looga hadlay qorshe ciidamo Itoobiyaan looga saarayo Soomaaliya.
AUSSOM ayaa horraantii Sebtembar sheegtay in ciidamada Itoobiya ee ka howlgala Sector 4 ay sameeyeen wareeg ciidan, iyadoo askar cusub ay beddeleen ciidamo muddo saddex sano ah ka tirsanaa howlgalka.
Ilaa hadda, Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Itoobiya si rasmi ah uma shaacin isbeddel ku yimid tirada ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari sababo la xiriira cadaadis ka imaanaya dagaallada socda ee waqooyiga Itoobiya, sida ay sheegtay Bloomberg. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aanay helin wax ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan bixitaankaas.
Qodobada muhiimka ah
- Itoobiya ayaa qorshaynaysa inay Soomaaliya kala baxdo in ka badan 3,000 askari sababo la xiriira cadaadis ka imaanaya dagaallada socda ee waqooyiga Itoobiya.
- Dowladda Soomaaliya ma aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo ku saabsan qorshe ciidamo looga saarayo Soomaaliya.
- Weli ma cadda in qorshaha la sheegay uu khuseeyo ciidamada Itoobiya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), ciidamada Itoobiya ee ku jooga heshiisyo laba geesood ah, ama labada qayboodba.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku wuxuu ku tiirsan yahay macluumaad laga soo xigtay Bloomberg iyo ilo aan la magacaabin.
- Ma jirto xaqiijin rasmi ah oo ka timid dowladda Itoobiya ama Soomaaliya oo ku saabsan bixitaanka.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabo ka yimid mas'uuliyiinta Itoobiya ama dhinacyada kale.
Gunaanadka akhristaha
Bixitaanka suurtagalka ah ee ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa keenaya su'aalo ku saabsan amniga gobolka iyo mustaqbalka iskaashiga milatari.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay waqtiga gaarka ah ee Itoobiya ay ka fikirayso bixitaanka?
- Sidee ayuu bixitaanku u saameyn doonaa amniga Soomaaliya?
- Maxaa dhici doona saldhigyada iyo goobaha ay ciidamada Itoobiya ka joogaan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · kala · baxdo
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada