Itoobiya oo soo saartay hanjabaad culus: Badda Cas looma deyn karo dhowr dal
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiItoobiya ayaa soo saartay hanjabaad culus oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militari ee Badda Cas, iyadoo sheegtay inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedin“Amniga Badda Cas looma deyn karo oo keliya ilaalinta dhowr dal oo xeebaha ku yaalla,” ayuu yiri Redwan, isagoo ku baaqay inay mas’uuliyaddaas wadaagaan dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah.
- Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa digniintan ka jeediyay kulan ay ergayda gaarka ah ku yeesheen magaalada Bahir Dar Jimcihii, kaas oo qeyb ka ah shirka Tana ee amniga Afrika.
- Waxa uu sheegay in goobta istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, kheyraadkiisa dabiiciga ah iyo marinnada ganacsiga ee mara ay soo jiiteen quwado ku loollamaya saameynta gobolka, taas oo sii cakireysa xaaladdiisa siyaasadeed iyo amni.
- “Kheyraadka istaraatiijiga ah ee gobolka iyo muhiimadda goobta uu ku yaallo ayaa muddo dheer u nugleeyay saameyn dibadeed, maadaama quwadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolkuba ay ku loollamayaan gacan ku hayntiisa,” ayuu yiri.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhaqdhaqaaqyada militari ee Itoobiya ka hadlayso?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Itoobiya ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyada militari ee ku sii kordhaya Badda Cas ay halis ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka.
- Redwan Xuseen ayaa sheegay in amniga Badda Cas looma deyn karo oo keliya ilaalinta dhowr dal oo xeebaha ku yaalla.
- Maqaalku wuxuu xusay in Itoobiya ay noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanida qaadatay sannadkii 1993-kii.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Bahir Dar (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyada militari ee ku sii kordhaya Badda Cas, loollanka quwadaha shisheeye iyo weerarrada maraakiibta ganacsiga ay halis ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka.
Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya, Redwan Xuseen, ayaa digniintan ka jeediyay kulan ay ergayda gaarka ah ku yeesheen magaalada Bahir Dar Jimcihii, kaas oo qeyb ka ah shirka Tana ee amniga Afrika.
“Amniga Badda Cas looma deyn karo oo keliya ilaalinta dhowr dal oo xeebaha ku yaalla,” ayuu yiri Redwan, isagoo ku baaqay inay mas’uuliyaddaas wadaagaan dalalka gobolka iyo saaxiibada caalamiga ah.
Waxa uu sheegay in goobta istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika, kheyraadkiisa dabiiciga ah iyo marinnada ganacsiga ee mara ay soo jiiteen quwado ku loollamaya saameynta gobolka, taas oo sii cakireysa xaaladdiisa siyaasadeed iyo amni.
“Kheyraadka istaraatiijiga ah ee gobolka iyo muhiimadda goobta uu ku yaallo ayaa muddo dheer u nugleeyay saameyn dibadeed, maadaama quwadaha waaweyn ee caalamka iyo kuwa gobolkuba ay ku loollamayaan gacan ku hayntiisa,” ayuu yiri.
Redwan ayaa sidoo kale tilmaamay in tabashooyinka soo jireenka ah, murannada kheyraadka, colaadaha gudaha iyo hanjabaadaha kooxaha xagjirka ah ay caqabado ku yihiin iskaashiga amni ee Geeska Afrika.
Danaha Itoobiya
Redwan ayaa ku dooday in ku tiirsanaanta Itoobiya ee ganacsiga mara Badda Cas ay dalka siinayso dano dhaqaale iyo kuwo amni oo ku xiran xasilloonida marin-biyoodkaas, inkastoo aanu lahayn xeeb.
Itoobiya ayaa noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanida qaadatay sannadkii 1993-kii. Tan iyo markaas, waxay ganacsigeeda dibadda si weyn ugu tiirsanayd dekedaha Jabuuti.
Hadalladiisa ayaa ku soo aadaya xilli Addis Ababa ay waddo dadaallo ay ku dooneyso marin-badeed, arrin xiisado kala dhex dhalisay dalalka deriska la ah ee Soomaaliya iyo Eritrea.
Dowladda Itoobiya ayaa ku adkeysaneysa inay dan weyn ka leedahay badqabka marinnada ay badeecadaheedu soo maraan iyo ka hortagga khataraha carqaladeyn kara ganacsigeeda. Hase yeeshee dalalka ku teedsa Badda Cas ayaa marar badan sheegay in arrimaha Bad Cas ay xaq u leeyihiin oo kaliya inay ka doodaan dalalka ku teedsan.
Marinka Bab al-Mandab, oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa muhiim u ah maraakiibta isaga kala goosha Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe ee adeegsada Kanaalka Suweys.
Weerarrada maraakiibta ganacsiga ee ka dhacay meelaha u dhow Yemen ayaa carqaladeeyay isu socodka badda, kuna khasbay qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta inay adeegsadaan waddada dheer ee ku wareegta koonfurta Afrika.
Isbeddelkaas ayaa kordhiyay muddada safarrada iyo kharashaadka gaadiidka, isaga oo saameyn ku yeelan kara dhaqaalaha dalalka Bariga Afrika ee ku tiirsan shidaalka, mashiinnada iyo badeecadaha kale ee dibadda laga keeno.
Dalalkaas waxaa ka mid ah Itoobiya, Kenya iyo Uganda, kuwaas oo ganacsigooda dibaddu ku xiran yahay badqabka marinnada caalamiga ah ee badda.
Iskaashiga gobolka
Kulanka ergayda, oo uu daadihinayay Paul-Simon Handy, ayaa diiradda lagu saaray amniga Geeska Afrika, loollanka quwadaha iyo khataraha sii kordhaya ee marinnada ganacsiga Badda Cas.
Waxaa ka qeybgalay Getachew Reda, oo ah la-taliyaha Itoobiya ee arrimaha Bariga Afrika, iyo Guang Cong, ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Afrika.
Waxaa sidoo kale ka qeybgalay ergayda Faransiiska iyo Jarmalka ee Geeska Afrika, Frédéric Clavier iyo Heiko Nitzschke, iyo Pekka Haavisto, oo ah ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Suudaan.
Redwan ayaa sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay dowladaha gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah kala shaqeyso wax ka qabashada caqabadahaas.
“Waxaan mar kale xaqiijinayaa sida ay Itoobiya uga go’an tahay horumarinta nabadda gobolka, waxaana rajeynayaa inaan sii wadno wadashaqeynteena madalaha kale,” ayuu yiri.
Kulankan ayaa qeyb ka ah shirkii 12-aad ee Tana ee heerka sare ee amniga Afrika, kaas oo socda 23-ka ilaa 25-ka Oktoobar. Halkudhiggiisu waa “Waddooyinka loo maro nabadda Afrika: madax-bannaanida dhaqaale iyo isbeddellada juqraafi-siyaasadeed”.
Shirka ayaa lagu eegayaa sida xalalka Afrikaanku hoggaaminayo, isdhexgalka dhaqaale iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ay gacan uga geysan karaan nabad waarta, xilli gobolka ay ka jiraan dagaalka Suudaan iyo caqabado amni oo isbiirsaday.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Itoobiya ayaa soo saartay hanjabaad culus oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada militari ee Badda Cas, iyadoo sheegtay inay khatar ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka.
Qodobada muhiimka ah
- Itoobiya ayaa ka digtay in dhaqdhaqaaqyada militari ee ku sii kordhaya Badda Cas ay halis ku yihiin xasilloonida gobolka iyo ganacsiga caalamka.
- Redwan Xuseen ayaa sheegay in amniga Badda Cas looma deyn karo oo keliya ilaalinta dhowr dal oo xeebaha ku yaalla.
- Maqaalku wuxuu xusay in Itoobiya ay noqotay dal aan bad lahayn markii Eritrea ay madax-bannaanida qaadatay sannadkii 1993-kii.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in weerarrada maraakiibta ganacsiga ee ka dhacay meelaha u dhow Yemen ay carqaladeeyay isu socodka badda.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka yimid dalalka la xusay ee ku saabsan eedeymaha Itoobiya.
- Maqaalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay hadallada mas'uuliyiinta Itoobiya.
Gunaanadka akhristaha
Hanjabaadda Itoobiya waxay muujinaysaa walaacyada ku saabsan amniga iyo ganacsiga gobolka Badda Cas.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin dhaqdhaqaaqyada militari ee Itoobiya ka hadlayso?
- Sidee ayey dalalka deriska ah uga jawaabaan eedeymaha Itoobiya?
- Maxay Itoobiya sameyn doontaa si ay uga jawaabto khatarahan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · badda · itoobiya · cas