Itoobiya oo xirtay safaaradii Eritrea, cayrisay 10 diblomaasi xilli xiisadda ay ka sii dartay
Waxa dhacay
50 ilbiriqsiDowladda Itoobiya ayaa amartay in la xiro safaaraddeeda magaalada Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood, xilli xiisaddu sii kordhayso.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Go’aanka ayaa yimid saacado kadib markii qaraxyo dhowr ah habeenkii laga maqlay magaalada Addis Ababa, xilli dagaalka dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya uu sii ballaaranayo, isla markaana ay soo baxayaan walaac laga qabo inuu isu beddelo iska horimaad goboleed.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay safaaradda Asmara u xireyso waxa ay ku tilmaantay “falal cadaawad iyo dagaal-doon ah oo toos iyo dadban” oo Eritrea ay kula kacday Itoobiya.
- Waxay sidoo kale sheegtay in 10-ka diblomaasi ee Eritrea loo aqoonsaday persona non grata kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “dhaqdhaqaaqyo khatar toos ah ku ah amniga qaranka Itoobiya” oo jebinaya xeerarka caalamiga ah ee xiriirka diblomaasiyadeed.
- Wasaaraddu ma aysan magacaabin diblomaasiyiinta, mana aysan faahfaahin howlaha gaarka ah ee lagu eedeeyay.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlaha gaarka ah ee lagu eedeeyay diblomaasiyiinta la cayriyey?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Dowladda Itoobiya ayaa amartay in la xiro safaaraddeeda magaalada Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay safaaradda Asmara u xireyso waxa ay ku tilmaantay “falal cadaawad iyo dagaal-doon ah oo toos iyo dadban” oo Eritrea ay kula kacday Itoobiya.
- Qaraxyo dhowr ah habeenkii laga maqlay magaalada Addis Ababa, xilli dagaalka dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya uu sii ballaaranayo.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii amartay in la xiro safaaraddeeda magaalada Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood gudahood, tallaabo muujineysa heerka uu gaaray khilaafka sii xoogeysanaya ee labada dal.
Go’aanka ayaa yimid saacado kadib markii qaraxyo dhowr ah habeenkii laga maqlay magaalada Addis Ababa, xilli dagaalka dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya uu sii ballaaranayo, isla markaana ay soo baxayaan walaac laga qabo inuu isu beddelo iska horimaad goboleed.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay safaaradda Asmara u xireyso waxa ay ku tilmaantay “falal cadaawad iyo dagaal-doon ah oo toos iyo dadban” oo Eritrea ay kula kacday Itoobiya.
Waxay sidoo kale sheegtay in 10-ka diblomaasi ee Eritrea loo aqoonsaday persona non grata kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “dhaqdhaqaaqyo khatar toos ah ku ah amniga qaranka Itoobiya” oo jebinaya xeerarka caalamiga ah ee xiriirka diblomaasiyadeed.
Wasaaraddu ma aysan magacaabin diblomaasiyiinta, mana aysan faahfaahin howlaha gaarka ah ee lagu eedeeyay.
Itoobiya waxay ugu baaqday dowladda Eritrea inay joojiso falalka ay sheegtay inay ka hor imaanayaan mabaadi’da lagu hago xiriirka dowladaha madax-bannaan.
Dhanka kale, Addis Ababa waxay sheegtay inay weli qiimeyneyso “xiriirka taariikhiga ah, dhaqan iyo kan bulsho” ee ka dhexeeya shacabka labada dal, islamarkaana ay ka go’an tahay xalinta khilaafaadka si nabadeed.
Qaraxyo ka dhacay Addis Ababa
Xiisadda diblomaasiyadeed ayaa kusoo beegantay kadib markii qaraxyo laga maqlay meelo ka mid ah Addis Ababa habeenkii Arbacada.
Ilo diblomaasiyadeed oo la hadlay Reuters ayaa xaqiijiyay in dhowr qarax la maqlay, halka ilo xiriir la leh isbaheysiga mucaaradka Itoobiya ay wakaaladda u sheegeen in weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn lagu qaaday bartilmaameedyo ku yaalla caasimadda, oo ay ku jiraan xarunta taliska ciidamada Itoobiya.
Ma jirto xaqiijin madax-bannaan oo muujineysa waxa sababay qaraxyada ama cidda fulisay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay inaan wax burbur muuqda ah lagu arkin agagaarka xarunta militariga.
Haddii la xaqiijiyo in diyaarado drone ah ay mucaaradku ku weerareen Addis Ababa, waxay noqon doontaa markii ugu horreysay ee la ogyahay oo xoogag kasoo horjeeda dowladda ay weerar noocaas ah ka geystaan caasimadda, oo boqolaal kiiloomitir u jirta furimaha dagaalka ee Tigray, Amxaarada iyo Cafarta.
Mas’uuliyiinta dowladda, ciidamada Itoobiya iyo TPLF ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyada Reuters ee ku aaddanaa faallo.
Saaxiibo isu beddelay cadow
Itoobiya ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku eedeysay Eritrea, Masar iyo Sudan inay taageerayaan isbaheysi mucaarad ah oo ay hormuud ka tahay Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF, kaas oo dagaal kula jira ciidamada dowladda federaalka iyo kooxo taageersan.
Saddexda dal ayaa beeniyay eedeymahaas.
Dagaallada hadda socda ayaa ah kuwii ugu cuslaa ee Itoobiya ka dhaca tan iyo markii heshiiskii Pretoria ee November 2022 uu soo afjaray dagaalkii laba sano socday ee Tigray, kaas oo ay ku dhinteen boqollaal kun oo qof.
Xilligaas Eritrea waxay safka dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed kula dagaallantay TPLF, iyadoo ciidamadeedu door weyn ku lahaayeen dagaalka waqooyiga Itoobiya.
Hase yeeshee Eritrea qeyb kama aysan noqon heshiiskii Pretoria ee dowladda Itoobiya iyo TPLF, xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaana markii dambe si tartiib ah u xumaaday.
Waxay taasi ahayd isbeddel weyn marka loo eego 2018, markaas oo Itoobiya iyo Eritrea dib u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed kadib sanado badan oo colaadeed.
Itoobiya waxay xilligaas dib u furtay safaaraddeeda Asmara, heshiiska nabadeed ee labada dalna wuxuu qeyb weyn ka qaatay in Abiy Ahmed la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka sanadkii 2019.
Hadda, xiriirka labada dowladood ayaa mar kale galay mid ka mid ah marxaladihii ugu xumaa tan iyo heshiiskaas.
Madaxa maamulka gobolka Cafarta, Haji Awol Arba, ayaa maalmo kadib markii dagaalka cusub billowday u sheegay Al Jazeera in ciidamo Eritrean ah ay gudaha u galeen Cafarta si ay uga qeyb qaataan weerarrada isbaheysiga mucaaradka.
Eritrea si cad ugama jawaabin eedeyntaas.
Dhanka kale, ciidanka federaalka Itoobiya iyo maleeshiyaad taageersan dowladda ayaa Khamiistii sheegay inay guulo hor leh ka gaareen furimaha Tigray iyo Cafarta. Reuters sheegashooyinkaas si madax-bannaan uma aysan xaqiijin.
Xiisadda cusub ayaa hadda isku dartay dagaal gudaha Itoobiya ah iyo khilaaf sii xumaanaya oo u dhexeeya Addis Ababa iyo Asmara, taas oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in colaadda waqooyiga Itoobiya ay xuduudaha dalka dhaafto.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dowladda Itoobiya ayaa amartay in la xiro safaaraddeeda magaalada Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood, xilli xiisaddu sii kordhayso.
Qodobada muhiimka ah
- Dowladda Itoobiya ayaa amartay in la xiro safaaraddeeda magaalada Asmara, iyadoo sidoo kale 10 diblomaasi oo Eritrean ah ku amartay inay dalka kaga baxaan 48 saacadood.
- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa sheegtay inay safaaradda Asmara u xireyso waxa ay ku tilmaantay “falal cadaawad iyo dagaal-doon ah oo toos iyo dadban” oo Eritrea ay kula kacday Itoobiya.
- Qaraxyo dhowr ah habeenkii laga maqlay magaalada Addis Ababa, xilli dagaalka dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya uu sii ballaaranayo.
- Waxay sidoo kale sheegtay in 10-ka diblomaasi ee Eritrea loo aqoonsaday persona non grata kadib markii lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen “dhaqdhaqaaqyo khatar toos ah ku ah amniga qaranka Itoobiya”.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la xiriira xiritaanka safaaradda iyo cayrinta diblomaasiyiinta.
- Faahfaahin gaar ah laguma bixin howlaha sababay cayrinta diblomaasiyiinta Eritrea.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mas'uuliyiinta Eritrea ee ku aaddan eedeymaha loo jeediyay.
Gunaanadka akhristaha
Xiritaanka safaaradda Itoobiya ee Eritrea iyo cayrinta diblomaasiyiinta ayaa muujinaya xumaanshaha xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay yihiin howlaha gaarka ah ee lagu eedeeyay diblomaasiyiinta la cayriyey?
- Sidee bay khilaafka diblomaasiyadeed u saameyn doonaa xiriirka Itoobiya iyo Eritrea mustaqbalka?
- Maxay yihiin cawaaqibka qaraxyada la soo sheegay ee ka dhacay Addis Ababa?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · diblomaasi · sii · itoobiya
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Itoobiya oo xirtay safaaraddeedii Asmara
Goobjoog Somali
- Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya
Goobjoog Somali
- Itoobiya oo ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya
Hiiraanweyn