Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiDagaalladu waxay si weyn u xoogeysanayaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, iyadoo la soo sheegay khasaare rayid ah iyo isbedel dhuleed.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Soo-jeedinMidowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaallamaya ay joojiyaan colaadda oo ay dib ugu laabtaan wadahadal.
- Dagaalladan cusub ayaa si weyn u wiiqaya heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee bishii November 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray ee socday 2020 ilaa 2022, kaas oo sababay khasaare naf iyo barakac ballaaran.
- wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 52 qof oo rayid ah lagu dilay saddex maalmood oo dagaal oo ah agagaarka Alamata, inkastoo tirada guud ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ay weli adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo.
- Dagaalladu kuma koobna Tigray oo keliya, balse waxay gaareen gobollada Afar iyo Amhara, ayadoo xoogagga Tigray la sheegay inay la wareegeen deegaanka Erebti ee gobolka Afar, halkaas oo dagaalladu ay walaac ka abuureen ammaanka waddada muhiimka ah ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti.
Sida ay sheegtay Goobjoog Somali
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay tirada saxda ah ee khasaaraha iyo dadka barakacay?
Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Ugu yaraan 52 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay saddex maalmood oo dagaal oo ah agagaarka Alamata.
- Xoogagga Tigray la sheegay inay la wareegeen deegaanka Erebti ee gobolka Afar.
- Ku dhowaad 150,000 oo qof ay ku barakaceen dagaallada cusub.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Dagaallada dib uga qarxay waqooyiga Itoobiya ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo ciidamada dowladda federaalka iyo xoogagga Tigray ay ku dagaallamayaan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Tigray, halka colaadduna ay ku fiday gobollada deriska la ah ee Afar iyo Amhara.
Dagaalladan cusub ayaa si weyn u wiiqaya heshiiskii nabadeed ee Pretoria ee bishii November 2022 lagu soo afjaray dagaalkii Tigray ee socday 2020 ilaa 2022, kaas oo sababay khasaare naf iyo barakac ballaaran.
wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ugu yaraan 52 qof oo rayid ah lagu dilay saddex maalmood oo dagaal oo ah agagaarka Alamata, inkastoo tirada guud ee khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ay weli adag tahay in si madax-bannaan loo xaqiijiyo.
Dagaalladu kuma koobna Tigray oo keliya, balse waxay gaareen gobollada Afar iyo Amhara, ayadoo xoogagga Tigray la sheegay inay la wareegeen deegaanka Erebti ee gobolka Afar, halkaas oo dagaalladu ay walaac ka abuureen ammaanka waddada muhiimka ah ee isku xirta Itoobiya iyo Jabuuti.
Waddadan ayaa ah marin muhiim u ah ganacsiga Itoobiya iyo badeecadaha iyo shidaalka dalka uga soo gala dekedaha Jabuuti,
Gobolka Amhara ayaa sidoo kale laga soo sheegay dagaallo ka dhacay agagaarka Waqooyiga Wollo iyo meelaha ku dhow Lalibela.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in boqolaal dagaalyahanno Tigray ah lagu dilay dagaallada, hase yeeshee tirooyinka khasaaraha ee ay bixiyaan dhinacyada dagaallamaya si madax-bannaan looma xaqiijin.
Xaaladda ayaa sii murugtay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo maamulka Afar ay Eritrea ku eedeeyeen inay ku lug leedahay dagaallada cusub.
Ku-xigeenka guddoomiyaha gobolka Afar ayaa warbaahinta u sheegay in Eritrea ay mas’uul ka tahay weerarka ka dhacay gobolka, halka saraakiil kale oo Itoobiyaan ah ay Eritrea ku eedeeyeen inay taageero siiso xoogagga TPLF.
Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Itoobiya iyo Eritrea uu muddooyinkii dambe sii xumaaday. Eritrea ayaa horey u diidday eedeymaha la xiriira taageerada kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda dowladda Itoobiya, sidaas darteedna sheegashada ku saabsan heerka iyo qaabka ay Eritrea uga qeyb qaadaneyso dagaalka weli waxay u baahan tahay xaqiijin madax-bannaan.
Xiisadda ayaa sidoo kale la xiriirta isbahaysi cusub oo ay sameeyeen kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.
TPLF ayaa lagu sheegay inay ku biirtay isbahaysi ay sameeyeen toddobo kooxood oo hubeysan, kuwaas oo ay ku jiraan Fano-ga Amhara iyo Oromo Liberation Army.
Kooxahan ayaa leh dano iyo khilaafaadyo kala duwan, gaar ahaan muranka dhulka Galbeedka Tigray iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Itoobiya, taasoo sii adkeynaysa xaaladda.
Dagaallada ayaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay dadka rayidka ah, ayadoo Hay’adda MSF ay sheegtay in tirada dadka dhaawaca ah ee la gaarsiiyay isbitaallada Korem iyo Alamata ay 48 saacadood gudahood ka korodhay qiyaastii 180 ilaa in ka badan 420 qof, iyadoo boqolaal kale lagu daweeyay xarumo caafimaad oo kale.
Warbixinno kale ayaa sheegaya in ku dhowaad 150,000 oo qof ay ku barakaceen dagaallada cusub, halka adeegyada isgaarsiinta iyo internet-ka ay meelo ka mid ah Tigray ka go’een, taasoo adkeynaysa helitaanka wararka iyo gargaarka bani’aadamnimo.
Dib u soo noqoshada dagaallada ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in Itoobiya ay dib ugu laabato colaaddii ballaarneyd ee 2020–2022. Midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay in dhinacyada dagaallamaya ay joojiyaan colaadda oo ay dib ugu laabtaan wadahadal.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Dagaalladu waxay si weyn u xoogeysanayaan waqooyiga Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, iyadoo la soo sheegay khasaare rayid ah iyo isbedel dhuleed.
Qodobada muhiimka ah
- Ugu yaraan 52 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay saddex maalmood oo dagaal oo ah agagaarka Alamata.
- Xoogagga Tigray la sheegay inay la wareegeen deegaanka Erebti ee gobolka Afar.
- Ku dhowaad 150,000 oo qof ay ku barakaceen dagaallada cusub.
- Xaaladda ayaa sii murugtay kadib markii mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya iyo maamulka Afar ay Eritrea ku eedeeyeen inay ku lug leedahay dagaallada cusub.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan tirada khasaaraha.
- Eedeymaha la xiriira ku lug lahaanshaha Eritrea waxay ku saleysan yihiin eedeymo aan la xaqiijin.
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha Eritrea ama dhinacyada kale ee ku lug leh.
Gunaanadka akhristaha
Xaaladda waqooyiga Itoobiya ayaa sii xumaaneysa, iyadoo saameyn weyn ku yeelaneysa rayidka iyo dagaallo dib u bilaabmay.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay tirada saxda ah ee khasaaraha iyo dadka barakacay?
- Sidee ayay dagaallada dib u bilaabmay u saameyn doonaan heshiiska nabadeed ee November 2022?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadayo si loo daboolo baahiyaha bani'aadamnimo ee dadka barakacay?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Goobjoog Somali
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · itoobiya · dagaalka · wararkii
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada