Jeneraal Indha-Qarshe oo taariikh cusub dhigay kadib markii uu gaaray…
Waxa dhacay
40 ilbiriqsiJeneraal Indha-Qarshe ayaa loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud oo uu siiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Indha-Qarshe waxaa darajadan kaga horreeyay Alle ha u naxariistee Maxamed Cali Samatar iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), oo hadda ah Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
- Jeneraalka ayaa labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan 2013 iyo 2018 oo uu soo hoggaamiyay Ciidanka Xoogga Dalka oo weli dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.
- Sarreeye Guud Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Ciidanka Xoogga ku biiray sannadkii 1968-kii, isaga oo tababbarro ciidan oo kala duwan ku qaatay gudaha dalka iyo dibaddiisa.
- Jeneraal Indha-Qarshe ayaa ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sannadkii 1948-kii.
Sida ay sheegtay Caasimada Online
- Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saamaynta dallacsiintan ku yeelan doonto Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Jeneraal Indha-Qarshe ayaa loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud.
- Indha-Qarshe sarkaalkii saddexaad ee taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaara darajadaas.
- Indha-Qarshe ayaa labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dalacsiiyay Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe), isaga oo u dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud. Dalacsiintan ayaa ka dhigaysa Jeneraal Indha-Qarshe sarkaalkii saddexaad ee taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaara darajadaas.
Indha-Qarshe waxaa darajadan kaga horreeyay Alle ha u naxariistee Maxamed Cali Samatar iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), oo hadda ah Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Jeneraalka ayaa labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan 2013 iyo 2018 oo uu soo hoggaamiyay Ciidanka Xoogga Dalka oo weli dagaal adag kula jira kooxda Al-Shabaab.
Sarreeye Guud Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) ayaa Ciidanka Xoogga ku biiray sannadkii 1968-kii, isaga oo tababbarro ciidan oo kala duwan ku qaatay gudaha dalka iyo dibaddiisa. Sidoo kale, Daahir Indha-Qarshe ayaa door muhiim ah ku lahaa hoggaaminta iyo maamulka Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo muddo dheer ka soo shaqeeyay arrimaha milatariga.
Jeneraal Indha-Qarshe ayaa ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sannadkii 1948-kii. Waxbarashadiisii aasaasiga ahayd waxa uu ku qaatay magaalooyinka Buulo Burde, Jowhar iyo Muqdisho, ka hor intii uusan u gudbin tababarrada milatari.
Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay sannadkii 1977-kii, Indha-Qarshe wuxuu ka mid ahaa saraakiishii hoggaanka u hayay cutubyada madaafiicda ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qayb qaatay howlgalladii milatari ee xilligaas.
Intii uu dagaalku socday, ciidamada Soomaaliyeed ayaa la wareegay magaalooyinka Qabri Dahare iyo Dhagaxbuur ee dhulka Soomaali Galbeed, halkaas oo Indha-Qarshe uu ka qayb ahaa saraakiishii ku lugta lahaa dagaalladaas.
Daahir Indha-Qarshe ayaa sidoo kale haysta billadda geesiga oo dowladdii dhexe ay gudoonsiisay, kadib guulo uu hormuud u ahaa oo xilligaas Soomaaliya ay ka gaartay dagaalkii Itoobiya.
Dallacsiintiiisa cusub ayaa timid kadib sannado badan oo uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga, isaga oo ka mid ah saraakiisha khibradda iyo taariikhda dheer ku leh milatariga Soomaaliya.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Jeneraal Indha-Qarshe ayaa loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud oo uu siiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Qodobada muhiimka ah
- Jeneraal Indha-Qarshe ayaa loo dallacsiiyay darajada Sarreeye Guud.
- Indha-Qarshe sarkaalkii saddexaad ee taariikhda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaara darajadaas.
- Indha-Qarshe ayaa labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka.
- Jeneraal Indha-Qarshe ayaa ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug sannadkii 1948-kii.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo jawaabaha mas'uuliyiinta kale ee milatariga ama dhinacyada kale.
- Eedeymaha ku saabsan doorka milatari ee Indha-Qarshe ma ahan kuwo si madax-bannaan loo xaqiijiyay.
- Maqaalku ma bixinayo macluumaad dheeri ah oo ku saabsan saamaynta dallacsiintan.
Gunaanadka akhristaha
Dallacsiinta Jeneraal Indha-Qarshe waxay calaamad u tahay dhacdo muhiim ah oo taariikhi ah oo ku saabsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxa weli aan caddayn
- Maxay tahay saamaynta dallacsiintan ku yeelan doonto Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed?
- Sidee ayay isbeddelkan u saameyn doontaa howlgalada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab?
- Maxay yihiin aragtida mas'uuliyiinta kale ee milatariga ee ku saabsan dallacsiintan?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · jeneraal · indha · qarshe
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada