Jubaland oo la wareegtay maamulka Beled Xaawo ee gobolka Gedo
Waxa dhacay
60 ilbiriqsiJubaland ayaa la sheegay inuu dib ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kadib wada-hadallo dhexmaray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.
Qodobo kale oo warbixintu sheegtay
- Cidda ay saamaysayXiisadda ayaa marar kala duwan sababtay iska horimaadyo iyo cabsi laga qabay in xaaladdu dib ugu laabato dagaal, taas oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah iyo ganacsatada ku nool magaalada iyo deegaannada ku dhow.
- Isbeddelkan ayaa yimid kadib heshiis la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee degmada, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka taagnayd xiisad u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.
- Wararka laga helayo wada-hadallada ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isku afgarteen in la dejiyo xiisadda, isla markaana la helo hannaan lagu maareeyo arrimaha ciidamada iyo maamulka degmada, si looga fogaado iska horimaadyo kale oo waxyeello u geysan kara shacabka.
- Cabdirashiid Janan ayaa door muuqda ku lahaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled Xaawo, halkaas oo ay muddo ka taagnayd loollan la xiriira cidda maamuleysa degmada iyo ciidamada ku sugan.
Sida ay sheegtay Shabelle Media
- Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay shuruudaha gaarka ah ee lagu heshiiyay wada-hadallada?

Qodobbada warbixinta
Waxa muhiimka ah
- Jubaland ayaa la sheegay inuu dib ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kadib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiinta Jubaland iyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.
- Wada-hadallada ayaa ujeedkoodu ahaa in la dejiyo xiisadda u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ee degmada.
- War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland, ayaa lagu sheegay in dadaallada nabadeed ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida degmada Beled Xaawo ay miro-dhaleen.
Warbixin asal ah oo turjumaad kaydsan leh · Soomaali
Soomaali · Mashiin turjumay · Lama diiwaangelin
Qoraalka asalka ah
BELED XAAWO, GOBOLKA GEDO – Maamulka Jubaland ayaa la sheegay inuu dib ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo, kadib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiinta Jubaland iyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan), oo horey Dowladda Federaalka Soomaaliya ugu qaabilsanaa arrimaha amniga iyo sirdoonka gobolka.
Isbeddelkan ayaa yimid kadib heshiis la xiriira xaaladda siyaasadeed iyo tan amni ee degmada, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay ay ka taagnayd xiisad u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland.
Wararka laga helayo wada-hadallada ayaa sheegaya in dhinacyadu ay isku afgarteen in la dejiyo xiisadda, isla markaana la helo hannaan lagu maareeyo arrimaha ciidamada iyo maamulka degmada, si looga fogaado iska horimaadyo kale oo waxyeello u geysan kara shacabka.
Cabdirashiid Janan ayaa door muuqda ku lahaa xaaladda amni iyo siyaasadeed ee gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Beled Xaawo, halkaas oo ay muddo ka taagnayd loollan la xiriira cidda maamuleysa degmada iyo ciidamada ku sugan.
Wada-hadallada dhexmaray Janan iyo maamulka Jubaland ayaa qeyb ka ahaa dadaallo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka, laguna gaaro is-afgarad ku saabsan mustaqbalka ciidamada iyo maamulka degmada.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland, ayaa lagu sheegay in dadaallada nabadeed ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida degmada Beled Xaawo ay miro-dhaleen, kadib markii la soo afjaray xiisaddii muddada ku taagnayd halkaas.
Maamulka Jubaland ayaa u mahadceliyay bulshada, waxgaradka, haweenka, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada ee ka qeyb qaatay dadaallada lagu baajiyay dhiig-dhiigga iyo colaadda.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in bulshada Beled Xaawo ay horey ula kulantay dhibaatooyin ka dhashay colaado, kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, barakac iyo dhibaatooyin saameeyay nolosha dadka deegaanka.
Jubaland ayaa sidoo kale sheegtay inay bogaadinayso bisaylka iyo dadaalka nabadeed ee dadka ku nool Beled Xaawo iyo guud ahaan gobolka Gedo, iyadoo ku baaqday in la sii xoojiyo wada-hadalka, is-qancinta iyo wadajirka bulshada.
Beled Xaawo ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ahayd goob ay ku loollamayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, iyadoo khilaafku salka ku hayay maamulka gobolka, awoodda ciidamada iyo saameynta siyaasadeed ee labada dhinac.
Xiisadda ayaa marar kala duwan sababtay iska horimaadyo iyo cabsi laga qabay in xaaladdu dib ugu laabato dagaal, taas oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah iyo ganacsatada ku nool magaalada iyo deegaannada ku dhow.
Dib-u-heshiisiinta iyo isbeddelka ku yimid maamulka ciidamada ayaa hadda furaya marxalad cusub oo ku saabsan xaaladda degmada, inkastoo ay weli muhiim tahay in heshiiska la gaaray si nabad ah loo dhaqan-geliyo, lana xaqiijiyo in dhammaan dhinacyadu ixtiraamaan qodobada lagu heshiiyay.
Faahfaahin iyo waxa aan weli caddayn
Akhris kooban
Macnaha qormada
Maxaa dhacay
- Jubaland ayaa la sheegay inuu dib ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kadib wada-hadallo dhexmaray Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.
Qodobada muhiimka ah
- Jubaland ayaa la sheegay inuu dib ula wareegay gacan-ku-haynta degmada Beled Xaawo ee gobolka Gedo kadib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiinta Jubaland iyo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur.
- Wada-hadallada ayaa ujeedkoodu ahaa in la dejiyo xiisadda u dhexeysay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubaland ee degmada.
- War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Jubaland, ayaa lagu sheegay in dadaallada nabadeed ee lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida degmada Beled Xaawo ay miro-dhaleen.
- Maqaalku wuxuu sheegayaa in bulshada Beled Xaawo ay horey ula kulantay dhibaatooyin ka dhashay colaado.
Xaddidaadda isha
- Maqaalku ma bixinayo xaqiijin madax-bannaan oo ku saabsan eedeymaha la soo bandhigay.
- Ma jiraan wax jawaab ah oo ka timid Dowladda Federaalka oo ku saabsan xaaladda.
- Faahfaahinta ku saabsan wada-hadallada iyo natiijooyinkooda waxay ku saleysan yihiin kaliya bayaannada Jubaland.
Gunaanadka akhristaha
Dib-u-heshiisiinta Jubaland ee Beled Xaawo waxay saameyn ku yeelan kartaa maamulka deegaanka iyo amniga.
Waxa weli aan caddayn
- Waa maxay shuruudaha gaarka ah ee lagu heshiiyay wada-hadallada?
- Sidee ayey xakameynta cusub u saameyn doontaa bulshada deegaanka?
- Waa maxay tallaabooyinka la qaadi doono si loo xaqiijiyo in heshiiska la ixtiraamo?
Sababta ay muhiim u tahay
Maqaalku ma bixinayo faahfaahin madax-bannaan oo ku filan si loo qiimeeyo muhiimadda gaarka ah ee dhacdadan, marka laga reebo waxa uu weriyay.
Warka Warkasta kala soco WhatsApp
Raac kanaalkayaga si aad ula socoto wararka cusub.
Raac kanaalka →Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Shabelle Media
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · maamulka · beled · jubaland
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada- Taliyaha Booliiska Gobolka Gedo oo Sheegay in Ciidamada Jubbaland Si Nabad ah Ku Galeen Beledxaawo
Goobjoog Somali
- Ciidamada Lafta-gareen oo maanta la wareegay magaalo muhiim ah oo u dhow Baydhaba
Caasimada Online
- Dowladda Federaalka iyo Woqooyibari oo mamnuucay in aan hub iyo ciidan lala raaco diyaaraha aado Deegaanada Maamulkaas
Hiiraanweyn