Jubbaland oo dalab culus kasoo saartay xaaladda Gobolka Gedo
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo ayaa ka qayb-galaya gogol wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira gobolkaas oo ay saameeyeen siyaasadaha is-diidan ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Gogoshan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah […] The

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahAsalka
Qoraalka asalka ah
Qoraalka hoose waa qoraalka asalka ah ee isha. Waxaa loo kala jaray tuducyo si akhrisku u fududaado.
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Dowlad-goboleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray qaybo kamid ah gobolka Gedo ayaa ka qayb-galaya gogol wadatashi ah oo looga arrinsanayo xaaladaha ka jira gobolkaas oo ay saameeyeen siyaasadaha is-diidan ee Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Gogoshan ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah siyaasiyiin, madax dhaqameed iyo dhinacyo kale, si ay uga tashtaan Mustaqbalka Gedo.
Maxamuud Sayid Aadan oo hadal siiyay warbaahinta ayaa soo jeediyay dalab culus, isaga oo ku baaqay in xalka gobolka lagu wajajo wadatashi, isla markaana ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan gogosha fidsan.
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa sidoo kale fariin u diray shaqsiyaadka tegay fadhigaas, wuxuuna ugu baaqay inay adkeeyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, si meel looga soo wada jeesto siyaasadda lagu kala qaybiyay ee saamaynta taban ku reebtay shacabka gobolka Gedo.
Isha warkaSababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Warbixintan waa la muujiyey sababtoo ah waxay ka timid shabakadda ilaha Warka la socdo, waxayna la jaanqaadaysaa qaybta, waqtiga, iyo calaamadaha daboolidda.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan