Kadib dibadbaxyadii Koonfur Galbeed, Muqdisho oo laga difaacay xiriirka…
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dibadbaxyadii ka dhacay qeybo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka laga taageeray xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.
Luqadda akhriska
Waxaad akhrinaysaa qoraalka Soomaaliga.

Warbixin Soomaali asal ah
Isha asalka ahQoraalka asalka ah
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib dibadbaxyadii ka dhacay qeybo kamid ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka laga taageeray xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya.
Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo maanta kulan ku yeeshay magaaada Muqdisho ayaa taageero wayn u muujiyay dowladda Turkiga, iyaga oo boggaadiyay xiriirka labada dal.
Kulanka ayaa ka qayb-galay odayaal dhaqameedyo, salaadiin, ugaasyo, nabaddoonno iyo waxgarad Soomaaliyeed, kuwaas oo si gaar ah u xusay taageerada uu sanadihii lasoo dhaafay siiyay Turkiga.
Qaar kamid ah odayaasha ka hadlay kulanka ayaa sheegay in taageerada Turkiga ay gaartay qaybo badan oo muhiim ah oo ay ku jiraan gargaarka bani’aadannimo, caafimaadka, waxbarashada, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada Soomaalieed.
Sidoo kale, odayaasha dhaqanka ayaa xusay in Soomaaliya ay muddo dheer soo martay xaalado adag, ayna muhiim ahayd taageerada caalamiga ah ee dalka loo fidiyay. “Turkiga wuxuu ka mid ahaa dalalkii si muuqata uga jawaabay baahiyaha Soomaaliya, gaar ahaan xilligii ay dalka ka jireen macluul iyo xaalado bani’aadannimo oo aad u daran,” ayey sheegeen odayaasha dhaqanka.
Waxa kale oo ay xuseen in xiriirka labada dal uu si weyn u kobcay wixii ka dambeeyay 2011-kii, xilligaas oo Muqdisho uu yimid Erdogan oo ra’iisul wasaare ah, isagoo noqday hogaamiyihii ugu horeeyay oo meel ka baxsan Afrika ka yimid, si uu ugu gurmado shacabka Soomaaliyeed oo ku dhufatay macluul daran oo ay ku dhinteen ku dhowaad 260 kun oo qof, oo carruur u badan.
Wixii markaas ka dambeeyay, Turkiga wuxuu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.
“Bulshada Soomaaliyeed ma hilmaami karto garab istaaggii dowladda iyo shacabka Turkiga ay muujiyeen xilliyadii adkaa. Waxayna taageeradaasi taabatay nolosha dadka Soomaaliyeed, kana qayb qaadatay dib-u-dhiska dalka,” ayey kulanka ka sheegeen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka.
Odayaasha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in xiriirka labada dal uusan ku koobnayn oo keliya iskaashi rasmi ah oo ay yeeshaan dowladuhu, balse uu leeyahay dhinac bulsho oo muddo dheer soo jiray.
Sidoo kale intii kulanka socday waxaa lagu soo bandhigay baaq ku aaddan in la sii xoojiyo xiriirka labada dal, iyadoo odayaashu ku adkeysteen muhiimadda iskaashi ku saleysan ixtiraam, dano wadaag iyo mashaariic wax ku ool ah oo faa’iido u leh bulshada Soomaaliyeed.
Kulankan aya kusoo beegmaya, iyadoo maalmo kahor gobollada dalka ay ka dhaceen dibadbaxyo lagu taageerayay Turkiga, sidoo kalena looga soo horjeeday in meel kamid ah Soomaaliya lagu gubo calankiisa.
Si kastaba, xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa weli yahay mid muhiim ah oo sii xoogeysanaya, iyadoo iskaashigooda uu ka gudbay dhinaca gargaarka bani’aadannimo, una gudbay dhinacyo kale oo istiraatiiji ah.
Sababta sheekadan loo muujiyey
Tani waa warbixin hal il ka timid oo ku jirta shabakadda Warka la socdo. Xiriirka isha asalka ah wuu muuqdaa si aad u akhrido macnaha buuxa ee daabacaha.
- Tirada ilaha
- 1
- Ilaha la adeegsaday
- Caasimada Online
- Isku dhafka luqadaha
- Soomaali
- Xaaladda turjumaadda
- Waxaa lagu muujiyey luqaddii asalka ahayd
- Soo koobid AI
- AI looma isticmaalin qaybta kalsoonida ee sheekadan
Calaamadaha la adeegsaday: somalia · general · laga · muqdisho · galbeed
Sii akhri
Sheeko si toos ah loo dabagalayo
Fur sheekada